Romatic:-Fikrado roomaantik ah oo aad u sameyn karto xaaskaaga

Bulsha:- Rag  badani waxey jecel yihiin  inay roomaantik noqdaan, balse waxaa ka dhiman habkii  ama ma garanayaan sida ugu sahalan ee loo noqon karo . Sidaa darteed waxaan ku siinayaa afkaar kaa dhigaysa nin roomaantik ah oo aad u riyaaqi doonto :

* Hadaad ubax u dhigto  iyadoo uu lasocdo hadal macaan oo aad uqortay, udhig meel ay ka arki karto sida sariirta ama miiska si ay u aragto adoo ka maqan guriga.

* Haday kaa hor marto sariirta si ay seexato adna wali aadan seexan, daqiiqado sug kadib si tartiib leh soo gal qolka, oo bustaha ama go’a u huwi sifiican oo dhunko kadib iska bax si tartiib leh.

* Marmar gaariga hadaad raaceysaan ka hor mar oo ufur albaabka gaariga.

* Markay seexato u qor fariin hadalo jacayl ah iyo xiiso ku jira, si ay marka ay soo toosto u akhriso.

* Hadaad ka soo hor toosto marmar quraac fudud u diyaari waxa aad awoodid, oo sariirta ugu keen kuna kici hadal macaan.

* Markaad aad cuno cumto marmar dhunko gacanteeda oo ku mahdi cuntada adoo amaanaya cuntadeeda, oo la aruuri weelasha adoo la aruurinaya weelka oo jikada gaynaya la yara fara cayaar.

* Marmar hadii aad baxayso oo ay kabaha xaragooda xiranayso uyara foorarso oo isku day inaad kala caawisid xirashadeeda.

* Marmar barnaamij idinkoo wada daawanaya, jikada aad adoo aamusan oo kaga yaabsii inaad ukeentay shaah iyo buskud, adoo dhoola cadeenaya oo faraxsan.

* Iyadoo qolka hagaajinaysa kaga yaabsii inaad qolka kale hagaajisay iyadoo rabta inay hagaajiso.

* Adoo banaanka ku maqan shaqo ama asxaabtaada la maqan, iska soo wac daqiiqado oo usheeg inaad usoo xiistay.

* Hadii baabuurkiina qof sadexaad idin la saaran yahay, iyaduna ay gadaal fadhido, indhaha ku xad muraayada oo u iljabi marmar, ha yaabtee.

* Marmar saliid ama cream inta aad soo qaadato  u duug jirkeeda .

* Hadaad ka hor kacdid oo la idin ka rabo qubayska waajibka ah, inaad u diyaarisid tuwaalka (shukumaanka)  markaad adiga dhamaysatid u  huwisid ama ugali  tuwaalka.


* Inta ay uurka leedahay inaad uduugtid, ama kareem umarisid cageheeda.

* Banaanka idinkoo wada socda kaga yaabsii inaad dukaan iska gashid oo aad hadiyad uqaadid.

* Inta ay uurka leedahay caloosha usalaax oo aabe sugi kari la’a ilmihiisa noqo, marmarna ka dhunko caloosha, oo iska dhig mid raba inuu dhagaysto ilmaha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment