Lubnaan: Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka

Bulsha:- Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Kolsii horreysay madaxa kaniisadaha Masar Pope Tawadros-ka labaad ayaa sheegay inuu ku gacan seeri doono la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence marka uu soo booqdo magaalada Qaahira dhammaadka bisha soo socoto.

Madaxaha kaniiisadaha Masar ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Trump inuu iska dhaga tiray dareenka malaayiin Carab ah.

Waxaa kale oo ka jiray magaalada Qaza deganaansho la’aan kaddib dibadbaxyo ka dhacayay halkaasi iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Daanta Galbeed ee Israil ay heysato.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment