Daawo Video: Xildhibaan C/laahi Shiikh oo Jawaab kulul siiyey Xildhibaan FIQI

Bulsha:-  Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Cismaaciil oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay Xildhiban Axmed Macalin Fiqi ee ahaa in xeer ilaaliyaha Qaranka uu yahay nin soo galooti ah oo an u dhalan Soomaali.


Kadib weerarkii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishaakuur Warsame ayaa Xildhibaan Fiqi isaga oo hadlayay waxa uu sheegay in Axmed Cali Daahir uusan aheyn muwaadin Soomaaliyeed balse uu yahay Muwaadin Itoobiyan ah oo u bahan in baaritaan lagu sameeyo.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil ayaa sheegay in xiligaan lakala soocayo muwaadiniinta Soomaaliya,isla markaana Axmed Cali Daahir lagu tilmamay in uusan Soomaali aheyn taasina ay tahay wax cadaalada ka fog.

Waxa uu sheegay in Garsoorka dalka uu xushmad leeyahay isla markaana iyada oo Siyaasad kale la eegayo aan loo gefin Madaxda Garsoorka dalka,uguna baaqay in arrinkaas dib looga laabto.
Soomaalinimadu ma mid qofka la doono laga saaro Bay tahay, Iyadoo Qalbi-dhagax oo ay isku deegaan kasoo jeedaan Axmed Cali Daahir loogu doodayey Inuu Soomaali yahay ?. “










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment