Bulsha:- Ciidamada Booliiska Somaliland ee Magaalada Boorama ayaa isku dayey inay soo Qabtaan oo Xidhaan Fanaanka Nimcaan C.raxmaan Xasan (Hilaac).
Hawlgal ciidamadu kusoo qabanayaan Fanaanka Hilaac ayay ku guuldaraystay innay gacanta kusoo dhigaan, kadib markii Shacabka magaalada Boorama ku dhaqan Booliiska kala hortageen Mudaharaad, halkaasi oo Ciidamaduna dadkaasi fanaanka difaacaya ay rasaas ku kala dareeriyeen.
Dhanka kale waxaa Ciidamadu bedelka Nimcaan Hilaac Xabsiga ugu taxaabeen Aabaha dhalay fanaanka oo isaga laftiisu ah Askari katirsan Ciidamada Booliiska magaalada Boorama, Sidoo kale waxaa la xidhay Gabadh walaashii ah iyo Wiil Qaraabo yihiin.
Sarkaal katirsan booliiska oo aan la xidhiidhay wuxuu xadhiga Aabaha Nimcaan dhalay ku sababeeyey in maadama Odayga dhalay yahay Askari booliiska katirsan loo diray inuu xalay soo xidho nimcaan, taasna Askarigaasi ka dheggo adaygay.

Baadigoobka Fanaanka Nimcaan ayaa ka dambeeyey kadib Markii uu dhowaan Boorama kasoo galay dhanka xuduudka Jabuuti, iyadoo la sheegay in Somaliland ugu Cadhaysan tahay Booqashadii uu ku tagay Muqdisho.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment