Daawo: Netanyahu oo deg-deg u tagay Faransiiska “Xaqiiqada ha wajahaan Falastiiniyiintu ” iyo Xiisada Dunida

Bulsha:- Ra’iisulwasaraaha Israa’iil ayaa sheegay in ay waajib tahay in Falastiiniyiintu “ay u daadagaan” xaqiiqada ah in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil si loogu dhaqaaqo dhanka geeddi socodka nabadda.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.

Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.


Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.

Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco.

Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus.

“Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd?

“Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray.


Booqashada  uu ku tagay Faransiiska ayaa kusoo aadaysa kadib markii Madaxwaynaha Faransiisku ku gacan saydhay go’aankii Donald Trump.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment