Daawo: Erdogan oo jawaab kulul siiyey Mareykanka kadib Maxkamadeyntii ka billaabatay New York iyo Waxa dhacay

Bulsha:- Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay maxkamadaha Mareykanka inaysan awood u lahayn inay maxkamadeeyaan dalka Turkiga, xilli kiis xasaasi ah uu ka socdo New York.

Xiriirka Mareykanka iyo Turkiga ayaa sii xumaanaya, waxaana ugu dambeysay markii nin Turkish oo ka ganacsada dahabka laguna magacaabo Reza Zarrab uu soo horistaagay maxkamadda New York, isaga oo Turkiga ku eedeeyey iay jebiyeen cunaqabateynta Mareykanka ee Iran.

Zerrab ayaa sheegay in Erdogan uu laba Banki oo Turkish ah ku amray inay ka qeyb galaan qorshe si sharci darro ah la isku dhaafiyey lacago la xiriira saliidda Iran.

Erdogan ayaa kiiskan ku qeexay shirqool ka dhan ah dhaqaalaha Turkiga oo lagu wiiqayo, uuna qeyb ka yahay wadaadka baxsadka ah ee Fethullah Gulen.


“Mareykanka ha ogaadaan inaysan marnaba dalkeyga maxkamadeyn karin” ayuu yiri Erdogan.
Waxa uu sheegay in kiiskan uu yahay mid siyaasadeysan oo ka dhan ah dowladda Turkiga, waxaya Turkiga la wareegeen hantida ninka Turkishka ah ee ka hor marqaati furaya maxkamadda New York.’










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment