Daawo:- Dalalka Caalamka oo si aanu filayn ugu Jawaabay TRUMP iyo Xiisada Ba’an ee ka Dhalatay Go’aankii Qudus

Bulsha:-  Cadho aad u xooggan ayaa ka dhalatey go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu habeenkii xalay ku dhawaaqey ee uu sheegay in magaalada barakaysan ee Qudus ay tahay caasimadda dowladda Israel.

War qoraal ah oo ka soo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in ku dhawaaqista u sameeyay Trump ay tahay mid cadaalad daro iyo mas’uuliyad daro.

Dowaldda Turkiga iyo Jaamacada Carabta ayaa ku baaqey shir deg-deg ah oo looga arinsanayo go’aanka DOnalsd Trump uu ku aqoonsadey Qudus in ay tahay caasimadda Israel.

 Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in go’aanka Donald Trump uu yahay dib u socod kaas oo Faransiisku aanu wax taageero ah u hayn, wuxuu ku tilmaamey mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraaradii Qaramada Midoobey.

R/wasaaraha Ingiriiska iyo  Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Mareykanka, sidoo kalana ay Caasimadoodu ahaan donto Talaviv.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa ugu baaqay Muslimiinta inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan inay ka soo horjeedaan tallaabada Mareykanka.

Madaxweynaha Dowladda Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa sheegay in ay meesha ka baxdey wixii loogu yeeri jirey geeddi socodka nabadda ee Maraykanku ka dhex wadey falastiin iyo Israel, Cabbaas ayaa sheegay in Qudus ay tahay caasimadda Dowaldda falastiin waxd gorgortan ahna aan laga geli karin.

Maamulka Xamaas ee marinka Qasa ayaa sheegay in go’aanka Trump ku aqoonsadey Qudus in ay tahay caasimadda Israel uu furayo albaabka cadaabta.

 ” Dadka ka faalooda arrimaha Maraykanka ayaa sheegaya in Trump aqoonsado Qudus in ay tahay caasimadda Israel ay tahay mid la xiriirta siyaasadda gudaha ee Maraykanka. “

Dibad baxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa ka dhacay daanta Galbeed ee Falastiin  halkaas oo lagu gubay sawirka iyo Calanka Mareykanka, Sidoo kale waxay ka dhaceen dalka Jordan iyo Turkiga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment