DAAWO: Cabdi Qeybdiid oo ka Hadlay Weerar Gurigisa lagu qaaday

Bulsha:- Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay maanta ciidano uu Tababaray imaaraadka oo ka tirsan dowladda Federaalka ku qaadeen gurigiisa, Wuxuuna  sheegay in gurigiisa markii la weerarayey uu ku maqnaa xarunta aqalka sare oo uu soo gudanayey waajibkiisa shaqo.


Ciidamada weerarka ku qaadey gurigiisa ayuu sheegay in ugu horreyn ay albaabka kore ku jabiyeen gaari, ciidankii halkaasi ku sugnaana ay hubkii ka qaateen, Intaasi kadib ayuu sheegay in ciidamadan ay jabin ku bilaabeen albaabada guryaha iyo sidoo kale armaajooyinka, sidoo kalena taleefannaddii gacanta laga qaatay xaaskiisa iyo sidoo kale gabadhiisa.

“Armaaajooyinkiina wey soo daadiyeen wixii ku jiray, qolalkii dibadda ku yaallay iyo kuwii gudaha dadkii ku jiray gacmaha kor u taaga bay dhaheen, Taleefannadii bay xaaskii iyo gabadheydii ka aruursadeen, xaaska oo musqul ku jirta wey ugu jabiyeen oo waa ay ugu galeen..ma garan karo sababta ay arrimahaasi ku dhaceen illaa iyo hadda, cidda waxaan sameysayna warbixintii ugu horreeysay ee xaaskayga markii ay isoo wacday kadib waxaa isoo wacay ninka taliyaha nabad sugidda ka ah gobolka Banaadir oo la yiraahdo Saadaq, wuxuu ii sheegay ciidankaasi waxay ahaayeen ciidanka Imaaraadka”  ayuu yiri.


Qeybdiid oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Laakiin waxaan anigu cadeynayaa sida ninkaasi ii sheegay ciidankaasi ciidan dowladeed buu ahaa, wixii intaa ka duwanna haddee baarista ayaa lagu ogaan doonaa, ma rabo intaas inaan dhaafo, “










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment