Akhriso waraaqdii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaga noqday Wakaaladdii Qareen ee saddex qareen ee u doodayay

Bulsha:-  Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa wakiilshadii kala noqday saddex qareen oo doodayey kiiska loo heysto, kadib qoraal uu u u diray Maxkamadda rafcaanka G/banaadir iyo Qareenada.

Qoraalkan uu siyaasiga C/raxmaan C/shakuur kalsoonida wakiilashada ugala noqday qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, C/kariin Maxamed Axmed iyo Aamina Xaaji Axmed oo maanta soo baxay ayaa keenay in maxkamadda rafcaanka ay qareenada u sheegto inaysan dsifaaci karin C/raxmaan C/shakuur.

Warqad qoraal ah oo uu qoray C/raxmaan C/shakuur ayuu ku sheegay inuu kala noqday wakaaladii Qareennimo ee Qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, Qareen C/kariin Maxamed Axmed iyo Qareen Aamina Xaaji Axmed.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa sida hufan ee aad ii difaacdeen, dacwadii horgeynta Maxkamadda Gobolka Banaadir, hase ahaatee waxaa idin ku wargelinayaa inaan ka noqday idmashadii Qareen inaad iga noqotaan dacwadda siyaasadeysan ee uu Xeer Ilaaliga doonayo inuu igu socodsiiyo si aan waafaqsaneyn sharciga”ayaa lagu yiri warqad uu qoray C/raxmaan C/shakuur.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay maanta dib u celisay qareenadii C/raxmaan C.shakuur, maadaama aysan xilligaas wadan wax wakaalad ah, iyadoo la sheegay in dhageysiga dacwada dib loo dhigay maalin kale.
Kalsooni darro weyn ayaa soo foodsaartay Siyaasiga eedeysan ee C/raxmmaan C/shakuur, waxaan dibn loo dhigay maxkamadeyntii maanta iyadoo aan la ogeyn inuu qareeno cusub qabsan doono iyo inuu isagu is difaaci doono.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment