Xubinta taranka haweenka oo cidhiidhi noqota {War-bixin}

Bulsha:- Waa cilad galmo oo ku dhacda dumarka qaar, waxay na sababtaa dareen xanuun badan xiliga galmada taasoo hoos udhac wayn ku keenta tayada galmada, ciladaan waxay faragelin ku sameysaa xiriirka lamaanaha iyo tayada noloshooda.

Dumarka qaba xalaadaan waxaa si ikhtiyaar la’aan ah isu soo uruura murqaha xubinta galmada, waxayna dhacdaa inta aan la bilaabin galmada, in kastoo dumarka qaar uu isu soo uruuro murqaha siilka xili aan ahayn xiliyada galmada sida marka ay isticmaalayaan tambooni ama marka la taabto hareeraha siilka, xaaladaan waxaa loo yaqaanaa vaginismus. Waana xaalad is hortaagi karta in loo galmooda qofka qaba xaaladaan. Waa xaalad kadhigta galmada mid aad uxanuun badan.

Siil ururka isma hortaago kacsiga qofka dumarka, laakin wuxuu is hortaagaa galmada.

Noocyada vaginusmus

Waxaa loo qeybiyaa laba nooc.

1. Primary Vaginismus: waa marka qofka dumarka ah aan waligeed loo galmoon, hadana ay dareento xanuun markasta oo la isku dayo in loo galmoodo.

2. Secondary Vagisnismus: waa marka ay noqoto galmada mid xanuun badan leh, in kastoo awal aysan ahayn mid xanuun leh, marxaladaan waxaa sababi kara qaliinada lagu sameeyo dumarka.

Dumarka qaar ayaa waxaa lasoo darsa cidhiidhigaan marka ay dhalma gooyaan, waxaana loo aaneyaa iney sababta dheecaanka entrojiin oo heerkiisa hoos uga dhaca marka dumarka ay dhalma goyaan. Hormoonka estrojiin wuxuu sahlaa laastiiga iyo qoyaanka xubinta galmada.

Maxaa sababa vaginusmus

Ilaa iyo hada lama oga waxa sababa arintaan, laakin waxaa la isku raacay mararka qaar ineysan jirin wax sababa, hasa yeeshee waxaa lala xiriiriyaa walwal qofka dumarka ah uu ka qabo galmada iney tahay mid xanuun badan sidaa darteed waxaa si akhtiyaar la’aan ah isugu soo urura xubinta taranka.

Sidee loola tacaalaa vaginusmus

Xaaladaan waa xaalad la daweeyn karo ayadoon la isticmaalin wax dawo ah, waxaana loo daweeyaa si ku dheehan barashada galmada, latalin iyo jimicsi

Barashada galmada

Waa barasho laxiriirta in wax lagaa barto qaab dhismeedka jirkaaga iyo sida ay wax udhacaan marka lagu guda jiro galmada, macluumaad ku saabsan murqaha isku soo arura iyo waxa sababi kara iney isku soo ururaan, waxaa kaloo kamid ah barashada in wax lagaa baro xiriirka ka dhexeeya maskaxda iyo xubnaha taranka, waana barasho sahli karta inaad macluumaad saxan ka heshid xubnaha jirkaaga iyo sida ay u falgalaan xiliga lagu guda jiro galmada.
Waasiciye

waasiciye waa caag dhuuban oo loogu talagalay in si tartiib tartiib ah loogu waasiciyo xubinta galmada haweenka, waxaana laga yaabaa in dhaqtarkaagu kugula taliyo inaad isticmaashid waasiciye Vaginal Dilator waasiciyaha wuxuu caawiyaa iney kala baxaan murqaha siilka oo ay unoqdaan kuwa dabca si ay galmada ufududaato, waxaana lagula taliyaa in uu lamaanaha ka caawiyo in sowjadiisu isticmaasho waasiciyaha. Mar hadii ay dhamaato xiliga loo qabta inaad isticmaashid, waxaa adiga iyo saygaaga dib ubilaaban kartaan galmada.

Jimicsiga Kegel

Waa jimicsi lasameeyo si loo adkeeyo murqaha sagxada miskaha, adkeynta murqahaan ayaa caawiyo xakameynta qulqulka kaadida.

Side loo sameeya jimicsiga Kegel

Hel murqaha aad isticmaashid marka aad rabtid inaad joojisid qulqulka kaadida
Tuujin ku samee murqahaas in 3 sekeno ah, kadib nasi 3 seken oo kale. La marabo in murqaha caloosha iyo bawdyada iney adkaadaan
kudar hal ilbiriqsi isbuuc kasta ilaa inta aad tuujin ku sameen kartid toban ilbiriqsi markasta
Ku celceli jimicsigaan 10 ilaa 15 mar halki fadhi oo aad sameyneysid. Isku day inaad sameeysid ugu yaraan 3 jeer maalin kasta
Hasamayn jimicsigaa marka aad kaadineysid, sababtoo ah waxaad dhaawici kartaa kadi haystaada.
Talo:

Cilad ku timaada galmada waxay dhib ku keeni kartaa xiriirka ka dhexeeya lamaanaha, sidaa darted waa muhiim inaadan ka xishoon oo aad la hadasho ninkaaga oo aad uga waranto dareenkaaga iyo hadii ay jirto wax cabsi ah oo aad kaqabtid galmada, sababtoo ah waxay kaa caawin kartaa inaad nasiino dareentid xiliga galmada.

Saliideynta iyo boosaska qaar oo la isugu  galmooda ayaa yarayn kara raaxa-darida ka timaada galmada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment