Xog: Dowladda Sacuudiga oo qorshe halis badan ka damacsan Muqdisho

Bulsha:-   Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka fakareyso sida magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uga furan laheyd Saldhig Militery.

Qoraal kooban oo lagu daabacay wargeysyada maxaliga ah, ayaa waxaa lagu sheegay in qorshahaasi uu yahay mid lagu xoojinaayo xiriirka Sacuudiga kala dhexeeya Somalia.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Saldhigaasi uu xoojin doono xiriirka Sacuudiga iyo Somalia, isla markaana ay uga gaashaman doonaan duulan kaga imaada dalalka aan daneyn Siyaasada iyo xasiloonida ka jirta Sacuudiga.

Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa horay Madaxda ugu sareysa dalka uga dalbaday in lasiiyo dhul baaxad weyn oo ay ka dhistaan Saldhig Militery, hase ahaatee ma uusan helin jawaab waafi ah.

Dowlada Somalia waxa ay dalabkaasi ku diiday qoraal oo ay la wadaagtay dowlada Sacuudiga, inkastoo aan laga sii bixin faahfaahin cad.

Boqorka sacuudiga, oo adeegsanaaya dowlado xiriir dhow la leh Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa dadaal xoogan ku bixinaaya sida uu ku dhaqan galin lahaa qorshihiisa fog ee ku aadan Saldhiga Militery ee Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Dowlada Sacuudiga ayaa tartan kula jirta dowladaha Turkiga iyo Qadar, waxaana xusid mudan inay aad uga careysan tahay Saldhiga ay dowlada Turkiga ka dhisatay Somalia.

Si kastaba ahaatee, Somalia ayaa goob loolan u noqotay dalalka Carbeed oo iyagu doonaaya in Somalia ay ka dhigtaan Saldhigyo laga taakuleeyo Xagjiriinta si aanu Somalia u hanaqaadin.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment