Bulsha:- Sida uu maanta daabacay Webka Turkish Press, dowladda Turkiga ayaa ku wareejisay Xukuumadda Soomaaliya hub ka kooban 450; Qori oo ah nooca loo yaqaan “MPT-76″, Hubkan ayaa lagu sameeyey gudaha waddanka Turkiga, waxaana ciidanka Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Turkigu u adeesadaa Qoryahan la dagaallanka Argagaxisada.
Hubka Dowladda Turkigu kuwareejisay Soomaaliya ayaa qayb ka ah socodsiinta heshiiska tababarka iyo difaaca Wadajirka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga ayaa fulinaya tababarka qayb kamid ah ciidanka XDS, kaas oo lagu qabanayo xerada Saldhigga Ciidanka oo dhowaan Turkigu ka hirgeliyey Muqdisho.
Sidaas oo kale Hay’adda farsamada Hubka ee Turkiga ayaa 2500; oo ah Qoryahan MPT-76” waxa ay ku wareejisay Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus ee Turkiga.

Hay’adda farsamada Hubka ee Turkiga; ayaa shaacisay in ay bixisay 3200, oo Qori oo ah nooca “MPT-76, 500, oo kamid ah Tiradaas ayaa waxa ay hay’addu u dirtay ciidanka Illaalada Jamhuuriyadda Turkiga.
Dherarka Qoriga “MPT-76; ayaa gaaraya 920; Mm; halka culeyskiisu dhan tahay 4.1, Km, Waxa uu wax ka shiishi karaa 600; mitir, Waxa uu qorigani halkii daqiiqaba ka dhici kara 650; xabbadood.
Waxa jira warar sheegaya in Boqortootada Sucuudiga, Jabban, Baakistaan, Kuuriyada koofureed iyo Azerbaijan ay muujiyeen baahi ay u qabaan Qorigan, waxa ay dowladahaasi u xusulduubayaan sidii ay uga iibsan lahaayeen Turkiga.
Turkish Press
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment