Bulsha:- Nin ayaa wuxuu yiri naag ayaan ka helay oo isku xaafad aan nahay markaas ayaan ku qoray lacag aan ahystay nambarka taleefankayga markaas ayaan naagta ka daba tagay iyadoo socota waxaan ku iri lacagtan ayaa kaa dhacday .
anoo rajaynaya inay aragto taleefanka nambarkayga si ay ila soo xiriirto naagtii ayaa waxay gashay dukaan qudaar lacagtii nambarkayga ku qornaa ayay yaanyo ku iibsatay , habeenkii marka la gaaray waxaa igu wareeriyay wacitaan ninka dukaanka qudaarta iska lahaa wuxuu i leeyahay gacaliso yaanyada ka waran maka heshay? wuxuu ii malaynayaa naagta inaan ahay marka nambarkaaga ha u qorin gabdhaha adoo lacag adeegsanaya

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment