Muuqaal Naxdin Leh: Sidee ayuu ahaa Jawiga Isgoyska Soobe Markuu dhacay Qaraxii Musiibada ahaa? CCTV

Bulsha:-  Maanta oo kale Bil ka hor  14 October waxay aheyd maalin Madoow oo soo martay Shacabka Soomaaliyeed, waa maalintii ay Al-Shabaab dileen in ku dhow 400 oo Soomaali ah una badnaa Ganacsato, Ardayday iyo dad Saarnaa Gawaari ku xayirnaa Isgoyska Soobe halka 250 kale ay dhaawacmeen oo qaarkood ay dhaawacyada u geeriyoodeen.

Haddaba waxaa la helay Muuqaal muujinayo  Isgoyska Soobe sida uu ahaa daqiiqado yar ka hor inta uusan qaraxa dhicin, Waxaana ka dhex muuqan doona  Gawaadhi badan oo ku sugnaa Isgoyska Soobe, waxaana Muuqaalka laga
dhex arkayaa gaariga is qarxiyey oo xoog kusoo gelaya  bartamaha Isgoyska Soobe oo Xilligaas aheyd meel aad u mashquulsan.

Muuqaalkan ayaa waxaa laga helay Kaamirada Qarsoon ee ku xirneyd Isgoyska Soobe, taasoo systemkeeda uu yaalo Xarunta Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, waxaana suurtagashay inay duubto daqiiqado ka hor inta uusan qaraxa dhicin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment