Bulsha:- Allaha u naxariistee Meydka Naciima Xasan oo ka mid ahayd Soomaalida ku nool Dalka Australia ayaa laga helay degaanka Queensland ee Waqooyiga Bari ee Dalkaasi.
Qoyska Naciimo Xasan ayaa sheegay in Gabadha ay waayeen Sabtigii la soo dhaafay islamarkaana aysan garaneyn halka ay qabatay.
Booliska Australia ayaa xaqiijiyay in shalay oo Talaado ahayd la helay Meydka Naciima oo ay sheegeen in aysan ka muuqaan calaamado muujinaya qaabka dilkeeda u dhacay.
Booliska ayaa sheegay in ilaa Axaddii la soo dhaafay ay ku raadjoogeen Nolol iyo Geeri Gabadhan oo ay Qoyskeeda Booliska ku war geliyeen maqnaanashaheeda.
Maalintii Axadda ahayd ayaa Kaamiroonka Qarsoon laga helay naciima oo ku sugan Goob kaalin shidaal ah oo lagu magacaabo Wellington Point,waxaase Meydkeeda laga helay goob aan ka fogeyn oo iyana lagu magacaabo Wellington Parka.

Gabadhan oo 27 Jir ah ayey Boolisku sheegeen in ay baaritaanka sababaha dilkeeda ku wareejiyeen dhaqaatiirta qaabilsan baaritaannada dilalka noocan ah islamarkaana ay Jawaab ka sugayaan.
Boolisku waxaa ay ku adkeysteen in ilaa hadda aysan hayn wax shaki muujinaya oo la xiriira cidda dishay ama xitaa sida uu u dhacay dilka Gabadhan oo ilaa Sabtigii la raadinayay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment