Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay Duqeyn ka dhacday Saldhigii Shabaab Iyo In ka badan 90-Ruux oo looga dilay

Bulsha:- Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday Xero Tababar oo ku taall deegaan lagu magacaabo Buur Ceel Cadde oo hoos taga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasiirka oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay in duqeyntaas lagu dilay ku dhowaad boqol dagaalyahano ah oo isugu jiray saraakiil iyo dagaalyahano sida uu yiri.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ay ku lahaayeen Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor ayaa looga dilay 90 – 100” ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa sheegay Duqeyn Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Baay barkhanimadii shalay in lagu dilay 100 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn ka dhacay Jubadda Dhexe lagu dilay boqol dagaalyahan, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay sheegashada dowladda Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment