Mr Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjebin ah oo ka dhacday magaalda Harare ee caasimada Zimbabwe.
Ciidamada ayaa talada la wareegay kadib markii uu soo baxay khilaaf ka jira ciddii bedeli lahayd Mugabe waxana lagu amray Mugabe inuusan ka soo bixin gurigiisa.
Mugabe ayaa loo sacaba tumay markii uu soo galay xaruntii ay ka dhacaysay qalinjebinta iyadoo aysan la socon xaaskiisa Grace iyo weliba Wasiirkiisa Waxbarashada Jonathan Moyo oo ay saaxibo dhow ahaayeen.
Ciidamada ayaa xeryahooda ka soo dhaqaadhaqaay kadib markii uu Mr Mugabe eryay Ku xigeenkiisii Emmanuel Mnangagwa toddobaadkii la soo dhaafay.
Mr Mnangagwa ayaa la aaminsanaa inu yahay qofkii bedeli lahaa Madaxweynaha ugu cimriga dheer caalamka ee Mugabe hase yeeshee waxa uu ka dhigey Madaxweyne ku xigeen kaaxkiisa Grace Mugabe oo afartan sano kayar Madaxweyne Mugabe.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment