Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqday goobtii mashaqadu ka dhacday ee isgoyska Zoope iyo Isbtitaalada magaalada qaarkood isagoo u kuurgalaya xaaladda shacabkii Soomaliyeed oo waxyeeladu ka soo gaartay qarixii Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Farmaajo oo ay wehliyeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowlada ayaa tagay qaar ka mid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba, wuxuuna madaxweynuhu dhiig u shubay dadka Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaatadu culus ka soo gaartay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay Musiiibadan, wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay.
Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay isgoyska Zobe, Wuxuuna amray in hoos loo dhigo calanka Soomaaliya.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment