Sawiro: Soomaaliya oo 34 sano kadib soo ceshatay xuquuqda codeynta ee urur caalami ah

Bulsha:- Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, ka dib markii wasaaraddu ku guuleysatay inay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.

Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2 milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay Wasaaraddu si kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.

Hase yeeshee, dadaal ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1 milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.

Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.
“Sharaf bay noo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay inay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment