Mogadishu: Farmaajo oo qaabilay wafdi uu soo gurmaday shacabka oo ka yimid Jabuuti

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay wafdi u badan Dhaqaatiir oo uu hogaaminayo Wasiirka Cafimaadka Jamhuuriyada Jabuuti oo u yimid Muqdisho inay u gurmadaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay caasimadda.

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane ayaa sheegay in dhaqaatiirtan ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, waxaana uu xusay Wasiirku inay in wadaan daawooyin loogu talagalay dadka qaba dhaawacyada.

Wafdigan oo ay soo dhaweyeen Wasiirada Arimahada dibadda iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uga mahadceliyey gurmadka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku aadan garab istaaga Walaalahood Soomaaliyeed.
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ah dowladii ugu horeysay ee ciidamadeeda ku jiraan kuwa AMISOM gaar ahaan Hiil walaal ee gurmad muuqda u soo dirtay Soomaaliya marka laga reebo dowladda Turkiga oo daabushay dhaawacyadii ku dhawaad 40 ruux oo ku waxyeeloobay qaraxii aragagaxisdu ku gumaadeen shacabka Soomaaliyeed 14-kii bishan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment