Maxaa kala Qabsaday Xalay Ciidamada Gaashaan Dablaydii Weerarka Fulisay ?

Bulsha:- Waxaa lasoo afjaray weerarkii cuslaa ee lagu qaaday Hoteel Naasa-Hablood 2 oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ee NISA, ayaa saacado badan ka dib soo afjaray weerarka, waxaana gudaha Hoteelka lagu dilay maleeshiyaadkii weerarka ku qabsaday Hoteelka.

Ciidamada Gaashaan, ayaa intii uu socday howlgalka maleeshiyaadka kala kulmay iska caabin xoogan, oo markii dambe isugu tagey qaybaha sare ee hotelka, iyagoona qaraxyo ku burburiyay jaranjartii hotelka.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay toogteen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday, kuwaa oo meydkooda uu balqan yahay gudaha Hoteelka.

Hoteelka Naasa-Hablood ayaa waxaa hadda ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo iyagu indha indheynaaya khasaaraha Hoteelka.
Sidoo kale, waxa ay ku guuleysteen ciidamada Ammaanka in ay soo badbaadiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad  Shacab ah.

Dhinaca kale, waxaa jaran dhammaan wadooyinka gala Hoteel Naasa-Hablood 2, waxaana halkaa ku sugan ciidamo farabadan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment