Maleeshiyaadkii Galay Naasa-Hablood oo Watay Aqoonsiga NISA (Warbixin)

Bulsha:- Maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab ee weerartay hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo 27 qof ay ku dileen, ayaa adeegsaday kaarar aqoonsi oo ah kuwa hay’adda sirdoonka Soomaaliya, si ay gudaha hotelka u galaan, waxaa sidaas sheegtay xog cusub.

Kooxdan oo ka koobneyd shan qof ayaa sidoo kale xirnaa dharka ciidamada nabad-sugidda, lagamana shakin markii ay galayeen gudaha hotelka, kadib markii qarax baabuur uu albaabka hore ka dhacay.

“Waxay haysteen kaararka aqoonsiga hay’adda nabad-sugidda, oo ay ku qornaayeen magacyada, darajada iyo sawirro aqoonsi oo ayaga ah, sidaa darteedna ma jirin wax sarkaal boolis ah oo joojin karay” Waxaa sidaas wargeyska The Guardian u sheegay Col. Axmed Yare oo ah sarkaal sare oo dhinaca sirdoonka ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka wax ku dhow saacad kadib markii uu dhacay, waxaana ay sidoo kale shalay baahiyeen liiska mas’uuliyiin ay sheegeen inay weerarka ku dileen.

Adeegsida dharka iyo kaararka aqoonsiga hay’adda nabad-sugidda ayaa abuuraya walaac ku saabsan in kooxdan ay rag darajo hoose oo ayaga raacsan ku dhex leeyihiin gudaha hay’adda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay xilka ka qaaday taliyihii hay’adda nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo kii booliiska Jeneral Saacid, kadib kulan ay yeesheen golaha wasiirada.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadal warka ku saabsna in kaararka aqoonsiga hay’adda NISA ay heleen Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment