ee u dhaxeeya labada dhinac ee doonaya in ay isu tagaan.
Muuqaaladaasi ayaa ah mid inta badan dadka isqaba aysan ku qanacsaneen ayadoona qaabab iyo muuqaalo
kaa yaabiya aad ku arkeyo mararka qaar ayadoo lagu soo daabacayo jaraa’idyada.
Awoodda dareenka macaansi waxa uu ku xiran yahay sida ay isu haystaan labada isu galmoonaya iyo dhaqdhaqaaqooda xilliga ay galmadu dhacayso, taasi oo iyana ku xiran hadba aqoonta ay u leeyihiin arrintaasi.
Waxa jirtay in aqoon yahan hore uu yiri: (Macaanta galmadu ma waarto haddii loo joogteeyo hal qaab, oo aan lagu beddelin qaabab kale).
Ka hortagga dhibaatooyinka iyo dhaawacyada caafimaad darrida keena.Dhibaatooyinkaasi oo si gaar ah khatar ugu ah haweeneyda uurka leh iyo ilmaha caloosheeda ku jira labadaba.
Dhibaatooyinka caynkaasi ah waxa looga hortegi karaa in la isugu galmoodo qaabka ku habboon marxalad kastaXakamaynta uurka. Waxa la hubiyey in qaab kasta oo kordhiya macaanta xilliga galmadu uu sidoo kale kordhiyo suuragalnimada uurqaadista.
Qaabka fududeeya in biyaha lagu tuuro gudaha hoose ee cambarku, waxa uu fududeeyaa inay xawadu u gudubto ilmagaleenka.
Ha yeeshee fursadda uurqaadistu waxay yaraataa kolka la isticmaalo qaab keena inay xawadu dibadda u soo baxdo.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment