Hadaad Shukaansatid Nin Xaas Iyo Caruurba Leh Adigoo Og, Ogoow In Aad Kala Kulmi Karto…..

Bulsha:- sabab utahay in xaaskiisa ay habeenkii xili danbe seexato sidey usugeyso ninkeeda inuu guriga kusoo laabto iyadoo ka walwalsan waxa ku dhacay.

Sabab utahay caruur rafaadsan oo aan heysanin jaceyl iyo daryeel aabo

Sabab utahay ninka aad shukaansatid caruurtiisa inay halaabaan mustaqbalka

sabab utahay in xaaskiisa ay marwalbo ooyso

sabab utahay in uu reerkiisa usoo hoyan waayo habeeno badan

sabab utahay in uu reerkiisa uu xanaaneen waayo

Waxaad sabab utahay in uusan cunto la cunin reerkiisa

waxaad sabab utahay in xaaskiisa uu jawi fiican la qaadan waayo

Adigane waxaad marwalbo ku duceysataa in aad hesho nin fiican oo daacad ah halka aad naag kale ninkeeda aad kadhigtay nin la aamini Karin.

Waxaad ku duceysataa nin fiican oo kujecel, halka naag kale jaceylkeedii iyo nolosheedi aad bur burisay.

Waxaad ku duceysataa in aad hesho guri dagan halka aad sabab utahay burburka guri kale
Hadii aad tahay gabadh ka mid ah akhristayaasha Allsiyaasad.com hadana shukaansato nin xaas iyo caruur leh Waxaad naftaada waydiisaa Adigoo waxaas dhan sameesay, ma isleedahay in aad heli doontid nin fiican oo aad aamini karto?











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment