“Soo galooti xun, ma waxaad isku malaysaan in aad wadanka leedihiin. Waxaad ku nooshihin cayrteena. Waxaad tahay neger xun. Waxaan sugayaa inta SD ay doorashada ku guulaysanayaan oo soo galootiga laga nadiifinayo wadanka” ayay haweenaydu ku tiri Sagal Yusuf.
Dhowr maalmood ka dib, iyada oo Sagal ku sugan goobta ay ka shaqayso oo lagu daryeelo dadka waayeelka ah ayaa waxaa irida soo istaagay haweenaydii cunsuriyaysay Sagal. Xiligaas ayay Sagal waxay daryeelsiinaysay hooyada haweenaydaan.
Haweeneydaan ayaa hadalkii ku xirmay, iyadoo aan hal eray oron ayay albaabka ka dhaqaaqi wayday. Markaasi ayay Sagal ku tiri “Ha walwalin, sidaad iila dhaqantay marnaba ula dhaqmi maayo hooyadaa”.
Sagal ayaa boggeeda Facebook ku daabacday qiyasada, iyadoo si weyn loo faafiyay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Sagal ay la kulanto cunsuriyad.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment