Bulsha:- Wararka ka imaanaya Magaalada Madrid oo caasimad u ah Spain ayaa sheegaya in Gabar La Dhalatay Tababaraha Manchester City Pep Guardiola oo lagu Magacaabo Francesca laga Qaaday xil Muhim ah oo ay u Heysay Dowlada Spain.
Madaxweynaha Dalka Spain Mariano Rajoy ayaa maanta soo saaray wareegto Xilalka Looga Qaaday Tiro Safiiro ah oo ka soo Jeeday dalka Spain kuwaa oo dalkaasi uga Shqeynayay Dalal Shisheeye.
Pep Guardiola oo ah macalinka Barcelona ayaa la og yahay inuu taageero xoogan u leeyahay madax banaanida Catalan.
Madaxeynaha Gobolka Catalonia Carles Puigdemont ayaa shaaciyay in Gobolka Catalonia xiligan uu ka madax Banaan yahay Xukuumada Madrid kadib markii shalay Xubno ka tirsan baarlamanka Gobolka Catalonia ay u codeyeen madax banaanida gobolkaasi.
Francesco Guardiola ayaa 7-bil ka hor loo magacabay Qunsulk Dowlada spain u Fadhiya Magaalada Copenhagen oo Casimad u ah dalka Denmark Maanta ayaana Xilkaasi Looga Qaaday Wareegto Kasoo Baxday Madaxweynaha Dalka Spain Mariano Rajoy.
Pep Guardiola oo ay walaalo yihiin Gabadhan Xilka Qadista Lagu Sameeyay Ayaa kamid ah Shaqsiyaadka Caanka ah ee daneeya madax banaanida Gobolka Catalonia.

Waxaa Haatan Dalka Spain Kataagan Xasarado siyaasadeed oo inta badan ka taagan Gobolka Madax badaanida doonaya ee Catalonia waxaana xusid Mudan in xasaradaha ka taagan gobolkaasi ay sameeyn wayn ku leeyihiin sadexda koox ee ka dhisan gobolkaasi.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment