Disha Patani Oo Lagu Bikro Jebin Doono Sannad Gudihiis Iyo Saadaal Qariib Ah (Sheeko Xiiso Leh)

Bulsha:- Waa dhaqan qariib ah, kaasoo ay sannad kasta sameeyaan ardayda dhigata Jaamacadda Hindu College ee caasimadda New Deli.

Ardayda dhigata Jaamacaddaan ayaa waxay leeyihiin caado dhaqameed qaab sannadle ah ay usoo bandhigaan, taasoo loogu yeero Damdami Mai waxaana maalintaan lagu asteeyey Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14ka bisha February.

Si gaar ah ayey sannad kasta u doortaan gabar magac leh oo ay ka bixiyaan saadaal ah inay guursan doonto ama si kale haddii loo dhaho la bikro jebin doono. Gabadhaasi waa inay qaadataa caado dhaqameedka PUJA isla markaana ay tagto geedka ku yaalla Jaamacaddaan ee loo yaqaano VIRGIN TREE weliba Maalinta Jaceylka Adduunka.

Sababtu maxay tahay? Ardaydu waxay aaminsan yihiin in haddii dhaqanka PUJA ay gabadhaani sameyso ay heli doonto qofka ay jeceshahay weliba qaab degdeg ah lix bilood gudahood, haddii kale muddo sannad gudihiis ah lagu bikro jebin doono, caadada PUJA ayaana sidaas ah maadaama ay bandhiggaas sameyneyso.

Sannadkaan waxaa lasoo doortay atariishada dhallinyarada ah ee Bollywood Disha Patani. Sidaas darteed 24 sanno jirtaan in kastoo lasoo doortay hadana wali madhicin in Disha ay guursato Tiger ama bikradeda weyso sanadka waxaa kadhiman kaliya labo biloood oo horteena ah bisha Feb ee dhacdadan ay dhacdayna waxaa kasoo wareegatay bilooyin badan.

Vaibhav Singh waa arday sannadkii labaad dhiganaaya Jaamacadda Hindu College, sidoo kale degan yahay halkaas. Wuxuuna daaha ka qaaday inay ardayda oo dhan si weyn u rajeynayaan inay sannadka maalinkaas oo kale soo aadan adduunku ka hadlaan sida ay sax u noqotay saadaashoodu.

Haddii ay sidaas noqoneyso waa inay Disha Patani guursato kahor inta uusan sanadka dhamaanin wiilka ay jeceylka wadaagaan ee lagu magacaabo Tiger Shroff kaasoo isna ah atoore ka xamaasha Bollywood. Balse aan ka wardhowrno saadaasha  Damdami Mai ee ay aaminsan yihiin reer India iyo sanadka dambe natiiijada kasoo baxdo










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment