Dhalinyaro qaab Online ah uga qeybqaadaneysa baafinta dadka wali warkooda la la’yahay Nolal iyo Gaari

Bulsha:- Mashaqadii ka dhacday 14kii bishan Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa sababtay in wali qoysaska qaar raadinayaan dad ay Ehel iyo qaraabo dhaw yihiin oo aan war iyo wacaal loo heynin halkii ay ku danbeeyeen.

Haddaba dhalinyaro iskood isku abaabushay ayaa abuuray Bog cusub oo Online –ka ah oo la dhigayo muuqaalada ama sawirrada dadka la la’yahay iyo magacyadooda kuwaa oo qoysaskooda ugu war danbeysay iyaga oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe ka hor inta uusan qaraxu dhicin.

Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa wali waxaa yaala meydadka  dad la garan la’yahay kuwaa oo xitaa ay ku adag tahay ehelada baadigoobka ku jira in ay gartaan wajiyadooda dadkaa dhintay.
Dadka ku dhintay Qaraxii Sabtidii aynu soo dhaafnay ka dhacay Muqdisho ayaa isugu jira dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment