Daawo: Xildhibaano Yahuud ah oo lagu ceebeystay shirkii Baarlamanka dunida

Bulsha:- Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim, oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad oo ka socday dalka Russia magaalada Saint-Petersburg ayaa kalmado weerar ah oo geesinimo ku jirto ku yiri xubnihii ka socday gumaystaha Israel ee haysta dalka Falastiin


Marzouq Al-Ghanim, ayaa shalay oo Arboco ahayd ku yiri xubnihii matalayay Israel inay hoolka shirku ka socdo bannaanka uga baxaan wuxuuna cod dheer ku yiri.

Waxaan guddoonka baarlamaanka caalamka u sheegayaa, kuwan u eg inay yihiin xildhibaano ee matalaya dowladda argaggixisada ah ee fuliya fal-kasta oo xun inay bannaanka u baxaan”.

Wuxuu kaloo intaa sii raaciyay, “Waxaad tihiin gumaysteyaal, dilaa ayaad tihiin maatada xasuuqa, carruurta laaya, waxaan u sheegayaa gumaysteyaasha oraahda caanka ah “haddaydnaan xishoonayn waxaad doontaan sameeya”.
Wuxuu kaloo yiri:- Hadday idinku jirto waxyar oo karaamo ah waxaa idiin fiican inaad bannaanka u baxdaan gumaystayaalyohow, baxa!

Al-Ghanim ayaa kulan saxaafadeed uu qabtay markuu soo idlaaday kulankii baarlamaanka adduunka u sheegay warfidiyeennada inuu muujinayay kacdoon ka dhan ah gumaystaha Israel kaddib markii la xiray xildhibaano Falastiini ah oo shirka iman lahaa, wuxuuna hadalkiisii sababay in xubno badan oo shirka caalamiga ah ku sugnaa ay ku taageereen kacdoonka ay muujiyeen xubnihii ka socday dowladda Kuwayt.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri, “Waan u caddaynay waxay yihiin, waxaan kaloo u sheegnay inaysan hoolka shirarka aysan sharci u lahayn inay yimaadaan, taasoo ay nagu taageereen martidii kale ee sharafta lahayd ee goobta ku sugnayd”.

Al-Ghanim wuxuu kaloo intaa raaciyay, “Waxaan si caro-leh ugu sheegay inay boorsooyinkooda qaataan hoolkana ka baxaan”.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment