Daawo Wareysi: Gabar sheegtay inay aragtay raggii weeraray Hotel Naasa Hablood 2 & Qaabkii uu weerarku udhacay

Bulsha:-  Ayaan Cabdi Axmed oo gabar dhalinyaro ah, ayaa waxay ka badbaaday weerarkii gelinkii dambe ee Sabtidii ay Shabaabku ku galeen Hotel Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Ayaan Cabdi Axmed, ayaa iftiimisay dhawr saacadood oo hotelka ay ku xanibneyd ka dib inay soo badbaadiyeen Ciidamadii Dowladda ee gudaha u soo galay hotelka, kuwaa oo tiro dad ahi ka soo samata bixiyay hotelkaasi.

Waxay xaqiijisay inay aragtay raggii hotelka soo weeraray, iyadoo ay tiradoodu ku sheegtay illaa toddobo nin. Raggan waxay hotelka gudaha u galeen, ka dib markii uu qarax xoogan ka dhacay afaafka hore ee hotelkaasi.

Raggan oo watay dareyska Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay sheegtay in qaarkood fuuleen qaybta sare ee hotelka, oo dad ay qafaal ahaan ugu haysteen, iyadoona ay dadkaasi qaarkood toogasho ku dileen.

Ayaan Cabdi Axmed, ayaa xustay inay mar damacday in ay gurmad weydiisato dableydaasi, oo ay u maleynaysay Ciidamada Dowladda amaba ilaalada hotelka, oo gurmad ahaan gudaha u soo galay, balse ay markii dambe garowsatay in ay kala hubsato waxa ay yihiin, maadaama Shabaabka looga bartay qaraxyada ka dib inay dhismooyinka gudaha u soo galaan.

Ayaan Cabdi Axmed, ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyada Shabaabku ay si anxan-darro ahi ay dadka ugu dilayeen hotelka, intii ay ka dhex dagaalamayeen.

Ayaan Cabdi oo la hadashay Laanta afka Somaliga ee VOA, lana weydiiyay tirada ay aragtay inay ku dhimatay weerarkaasi, ayaa ka dhawaajisay inay aragtay meydadka 11 ruux, markii ay bannaanka u soo baxday-na ay aragtay dhaawac tiro beelay.

Ayaan Cabdi, ayaa su’aal ka keentay sida ay maleeshiyada Al Shabaab ugu suurta-gashay in weerar ceynkaasi oo kala ah ay ka gaystaan Hotel Naasa Hablood II, oo amnigiisu si weyn loo ilaaliyo, isla-markaana ay tani u aragto mid heshiis loogu yahay gumaadka shacabka Somaliyeed, iyadoo shacabkana ugu yeertay in ay isu tashadaan.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa isagu sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen shan nin, kuwaa oo laba ka mida ay hotelka isu qarxisay, halka saddexdii kalena gacanta lagu soo dhigay.

Hadalka ka soo yeeray Ayaan Cabdi, ayaa ku soo beegmaya, xilli Dowladda Somaliya si kulul loogu eedeeyay waxa ay wax uga baran la’dahay qaraxyada ku soo noq noqday Caasimadda Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment