Daawo Sawirro:Dowladaha Somalia & Turkiga oo heshiis cusub ku kala saxiixday Istanbul

Bulsha:-  Wasiiradaha Beeraha Somalia iyo Turkiga ayaa ku kala saxiixday magaalada Istanbul heshiis ku saabsan wax soo saarka Somalia sidii sare loogu qaadi lahaa isla markaana qudaaarta laga soo saaro dalkeena loo kobcin lahaa.

Labada dowladood ayaa waxaa heshiiska u kala saxiixay Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Wasaarada Beeraha Somalia, halka dowladda Turkiga uu u saxiixay Dr Ahmet Eşref oo Wasiirka Beeraha Turkiga.

Heshiiskan ayaa irdaha u faraya iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinaca beeraha, iyadoo taageero dhinac walbo leh ay dowlada Turkiga ku bixineyso Beeraha Soomaaliya sida dhanka teknooljiyada ee beeraha dib u dhiska kaabayaasha Abuurka iyo waaxda badbaadada beeraha.

Qodobada muhiimka ah ee ku jira heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in ganacsiga wax soo saarka beeraha ay iska kaashadaan labada dal.

Dhinca kale Wafdiga uu hohaaminayo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda federaalka Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa booqday Xarunta Cilmi baariska, Sheybaarka iyo tababarada beeraha ee Wasaarada beeraha Turkiga.
Wafdiga Wasiirka Beeraha oo maalmahan ku sugan wadankaasi Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah masuulayiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Safaiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment