Ciyaaryahankii hore ee Liberia oo ku guuleystay Madaxtinimada dalkaas

Bulsha:- George Weah Ciyaaryankii hore ee Kooxaha Chelsea,Man City iyo AC Milan ee Dalalka Ingiriiska  iyo Talyaaniga ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dalka Liberia kaddib doorasho dalkaas ka dhacday 10kii Bishan October.

Weah waxaa uu ka guuleystay Ninka aad loogu saadaalinayay doorashada ee hadda ah Madaxweyne ku xigeenka Dalka Liberia Joseph Boakai .

Waxaa uu beddeli doonaa Haweeneydii ugu horreysay ee Qaaradda Afrika dal ka mid ah madaxweyne ka noqota oo ah Elen Johnson Sirleaf,taas oo 12kii sano ee la soo dhaafay heysay xilka Madaxweynaha Liberia.

40% Codadka doorashada ee la dhiibtay ayaa u muuqda in uu si weyn ugu horreeyo Mr Weah,waxaana Guddiga doorashada heystaan ilaa 25ka Bishan in ay ku dhawaaqaan guuleystaha ama ay doorasho labo qof oo kali ah dhacdo,kuwaas oo ah labada qof ee ugu codka badan wareegga 1aad.


Weah oo abaalgudka Ballon d’Or,ku guuleystay 1995 .
Madaxweynaha cusub ee Liberia ayaa Sanadkii 1995kii ku guuleystay abaalgudka Caalamiga ah ee Ballon d’Or  ee xidda ugu fiican Sanadkan dhinaca Kubadda Cagta Caalamka.

Xiddigaha kale ee Kubadda Cagta ciyaari jiray Siyaasaddana ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah PelĂ© iyo  Zico,oo soo noqday Wasiirrada dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Filo wixii soo kordha










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment