Weli Ma Isweeydiisay, Maxay Shiinuhu Biyaha Kulul U Cabaan? Akhriso Jawaabta..

Bulsha:- Dadka badankooda ayaa jecel inay cabaan biyaha qabow marka ay a haraadaan ay raashin cunayaan, laakiin bulshada Shiinuhu sidaasi ma samayso. Waxay caado u leeyihiin inay cabaan biyaha kulul marka ay biyo u baahdaan iyo marka raashinkaba.

Wargeyska Los Angles Time ayaa daabacay in dadka Shiinihu ay dhaleeceeyaan qofka ka tirsan qoyska ee caba biyaha qabow iyagoo aaminsan in laga qaado xanuuno.

Dalka Shiinaha cabista biyaha kululi waxay soo bilaabantay sanadkii 1949 wakhtigaasi oo dawladda ay dadka fartay inay biyaha kariyaan si loo nadiifiyo ka dib markii ay wasakhoobeen. Waxa kale oo arintaasi xoojiyay Dhakhaatiirta Shiinaha oo qayb ka qaatay ka dib markii ay bulshada u sheegeen in biyaha kululi caawiyaan dheefshiidka, Habsami u socodka Dhiigga, Murqaha, iyo in biyaha qaboobi ay keenaan xubnaha jidhka ee shaqada badan inay yareeyaan hawshooda.

Waxa kale oo ay sheegeen in aan loo baahnayn in raashin kulul iyo biyo qabow isku mar la wada qaato taasi oo dhibaato ku keenaysa heer kulka jidhka.
Dhamaan goobaha cuntada Shiinaha waxa laga heelaa biyo kulul oo sida shaaha falaasyo lagu kaydiyo ama mishiinada kulaliya xafida. Dhamaan gooobaha kulanada lagu qabtona iyagana waxa la keena biyo u kulul oo sida shaaha..











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment