Bulsha:- Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa maanta qoray in dowladda Ethiopia ay xaqiijisay in sarkaalka ONLF ee Cabdikariim Qalbi Dhagax uu iskiis isku soo dhiibay.
Hadalkan ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay arrintan fududeysay oo kaliya oo aysan wax shaqo ah ku lahayn.
Sida ay qortay Washington Post, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Meles Alem ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaalin fududeyn ah kaliya ku lahayd isa soo dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse.
Hadalka Meles, ayaa mar kale caddeyn u ah in carrada ka dhalatay arrintan ee ay qaar ka mid ah mucaaradka dowladda shidayaan ay tahay arrin u baahan in dib looga fiirsado, marka horena la ogaado xaqiiqda, iyo sida ay wax u jiraan.
Dowladda Ethiopia waxa ay sidoo kale sheegtay in Cabdikariim uu haysto dhalashada dalkaas, sidaa darteedna ay xaq u leedahay in arrintan ayada lagala macaamilo, waxna laga weydiiyo.
Ururka ONLF ayaa dowladda Soomaalioya ku eedeeyey inay dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse, hase yeeshee waxaa muuqata in la iska indha tirayo xaqiiqda ah in xubno ka tirsan ururkaas ay si hoose ula shaqeynayo dowladda Ethiopia, Cabdikariim-na uu ka mid yahay.
Dowladda Ethiopia waxa ay sidoo kale sheegtay in warqadda dal ku laabashada ee loo soo saaray Cabdikariim ay sidoo kale caddeyn u tahay inuu jiray xiriir wada-shaqeyn, iyo inuu si iskiis ah isku soo dhiibay.
Dowladda Ethiopia ayaa sidoo kale uga mahad-celisay dowladda Soomaaliya sida ay arrintan u fududeysay.
Wararka ayaa sheegaya in Qalbi-Dhagax uu ka codsaday in dowladda Soomaaliya dhex-dhexaad ka noqoto is dhiibitaankiisa, si hadhow haddii ay Ethiopia heshiisyada ay galeen ay uga baxdo, ay dowladda Soomaaliya arrintan ula socoto.
Tallaabadan ayaa macnaheedu yahay in xaqiiqda ay tahay in dowladda Soomaaliya ay caawisay Qalbi-Dhagax, balse aysan wax dhibaato ah u geysan.
HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA WASHINGTON POST (ENGLISH)
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment