War bixin jaceylka hada jiro iyo kii hore

Bulsha:- Dhalinta Maanta ayaa noqday kuwa Magaca Jaceylka aanan sifiican u daryeelin iyagoo kuwada ganbanaya Magaca Qiimaha badan ee Jaceyl misana dadka gaarsiiyey heer ay ka amin baxaan jaceylka hadaba Soomaalidu ka gadaal kolkii ay kusoo xoomeen Qurbaha ayaa yaraatay is aaminaadii badneed ee labadu lamaane kalsoonidu iskugu qaadi lahaayen misana uhorseedi lahaa Guurka iyo Iftiinka Nolosha.

Jaceylka Maanta maahan mid xaqiiq ah ama runta hoos jooga waxa jira Dad aanan si dhadhan leh uusan usoo marin jaceelka misana ku sheegay inuu wax soo jeclaaday , Qofku waxa uu dareemaa jaceeelka marka uu qaraarkiisa soo dhadhamiyo ama uu soo taabto Xumaanta jaceylka waa goorta uu garabkaaga ka baxo jaceyl aad mudo aad ubadan soo dhiseesay.



Dhalinta Cusub waxaa dilay Dookh iyadoo aysan ukala saarneen Dookha iyo Jaceylka waxa farqi ahaan u dhaxeeya waxaa jiri kara kumanaan Dhigaaga ah ood isha uun ka jeclaatay balse wali usan hadal idin dhex marin niyada ayaad ka taageersantahay waad ku hanweynathay inaad la wadaagto xariir Balse kuma aysan suura galyn , Laga yaabee in niyadaadu ku tiraah qofkaas ayaadba jeceshahay.



Dookhi ayeey dadku ka dhigeen Jaceyl iyagoo aanan fahansaneen Magaca Guud ee Jaceyl, Waxaad is barateen Gabadh/Wiil Isbuuc gudahiisa waxaad isku sheegteen in qalbiyadiinu isku furan yihiin Wiilka/ gabadha laga yaabee iney ku dhahdo Waan ku Jeclahay, Balse waxaa Xaqiiq ah in qofkaasi weydiin Maxaad igu Jeclaatay? iwm, Lacala markii ay imaatana waa Jawaab aan sidaas Uga Fogeen Ficilka ahna, < Runtii Waxaan jeclahay Quruxdaada, Socodkaaga, Ilkahaga Cac cad,, Gadgaduudan, Indhahaaga Baliisha, Buur buuran, Labiskaaga wacan, Qosolkaaga, Kaftankaaga, Sheekadaada, IWM.

 

Balse Ma is weydiiyan Beri hadii Quruxdayda iyo midabkeygu is badalaan Maxaa dhacay oo Miyaad iga xiisa dhigeysaa ood inacaysaa Marka sidan si ka duwan usoo labistu maxaad Igu Sameyneysaaa , Waana Su’aalahan dhalinta Maantu is weydiinin marnaba Balse waa Muhiim inaad sifiican uga taxadartaa ruuxa aad qalbiga ufureysid Misana aad aamineysid, Ka Fiirso oo baar wixii ka run ah iyo wixii Ka been ahba











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment