Bulsha:- Dowladda Turkiga ayaa dhameystirtay dhismaha dugsiga barashada Duullimaadka Diyaaradaha (School_of_aviation) kaas oo 27 Sano kaddib hadda diyaar ah.
Hay’adda TIKA wakiil ka ah dowladda Turkiga ayaa dhistay Dugsigan,waxaana maanta munaasibad ka dhacday magaalada Muqdisho xarigga looga jaray dhismaha dugsiga oo la soo gaba gabeeyay.
Munaasabad dhismaha xarunta cusub ee Iskuulka uu kula wareegayay Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Oomaar iyo ku xigeenadiisa, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda TIKA ee Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa gargaar iyo dub u dhisba ka wadda Soomaaliya tan iyo 2011kii markaas oo ay dowladda Turkiga billowday in ay ka howlgasho Soomaaliya iyada oo ay xilligaas jirtay abaar adag.

Dowladda Turkiga waxaa sidoo kale ay ka dhistay Muqdisho Saldhig lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya,kaas oo ilaa hadda aan xarigga laga jarin.


Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment