Talaabooyin Si Sahal Ah U Saameynaya Qalbiga Lamaantaada Ee Ninyahoow Sameey

Bulsha:- Si fudud ayuu ninka ragga ah ku kasban karaa qalbiga lamaantiisa isaga oo si fudud ku soo jiidan kara dareemaha macaantiisa.

In aad dhageysto: waa tubta ugu muhiimsan ee haweenka lagu qurxiyo waxa uu iyadana siinaya in aad dhageysato dareemo kuwasi oo u muujinaya in aad ihtimaam siineyso.

Arintani waxa ay ku dhalineysa dareen fog kaasi oo ay ka dhalaneyso is fahan iyo isu soo dhawaasho joogta ah .

In aad Taageerto: Haweenku waxa ay tani ku beereysaa dareen ah in gadaasheeda nin rag uu joogo kaasi oo ka taageeraya waxyaabaha ku adkaada, waxa ayna tani siineysaa dareen adag.

In aad u muujiso in  aad la cajabsan tahay: Haweenka waxa ay jecel yihiin in ay dareemaan in ninkooda la cajabsan yahay oo ay cajab giliyeen .

Iyadoo ninka laga doonayo in lamantiisa u muujiso in uu la cajabsan yahay ku qanacsan yahay habkeeda shaqsiyadeed ,geesinimadeda ,heerka aqoonteda .

Ihtimaam :in aad u muujiso ihtimaam siin dhan waliba tasi isu soo dhawaashihiina gacan weyn ka geysanayaa .

Ka Taageer In ay horay U socoto: ka taageer sidii ay hor mar u gaari laheyd bulshadana uga dhex muuqdan.Amaan

U muuji amaanteeda waliba idinka oo wada jooga dadka idin kugu dhaw waxa ayna tani siineysaa dareen xoogan oo jaceylka xoojinaya .

Hadaba ragoow haddii aad qodobadaan ku dhaqantaan waxaa hubaal ah in qalbiga lamaantiina si fudud u degi kartaa.
















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment