Bulsha:- Ma jecleyn in aan arintaan soo bandhigo balse ka gun gaaridda xaqiiqdeeda ayaa ah waxa igu qasbay ayay ku biloowday Ilhaan Muqtar oo nagala soo xariirtay magaalada Muqdishu .
Hadaba bahda xayaati.com soo koobeysa muhiimada fariinta Ilhaan ayaa u dhigneyd in ay dareemeyso in ninkeeda uusan ka maseerin (hinaasid) taasina ay u aragtay in jaceylkiisa aheyn mid weyn maadaama in badan looga sheekeeyay in ninka haddii uusan kuu maseereyn in uusan ku jecleyn xilli ay tilmaantay in aysan aroos cusub aheyn oo ay is qabaan nin da`da afartanka ku jira xilli iyana da`deena aysna inoo sheegin.
Hadaba talo ay soo weydiisatay bahda xayaati.com iyo aqristayaasheeda ayay haatan qorayaasha bogga siinayaan jawaabtaan .
Ilhaan marka hore waxaad ogaataa in biloowga xariirkiina aad ku arkeyso ninka hinsaase balse marka aa du gacan gasho in ay yaraaneyso kaliyana aad arkeyso haddii ninkaada da`da labaatameya uu ku jiro xilligaas oo uu u arko in ay tahay muujinta qeyb ka mid ah raganimadiisa waa ayna sii yarataa kullamaa maskaxiyan uu sii kordho .
Arimahaan ayaa sabab u noqon kara bilaa maseeridda ninkaada , kalsooni uu kugu qabo ayaa keeni karta in ay hawada ku laado arintaas waliba marka aad dhowr sano wada joogtaan uuna dareemo in aysan jiri karin wax ku qasbaya arinaas.
Sidoo kale is dhex galkiina oo aad dhan waliba iska fahanteen ayaa iyana qeyb ka ah oo mid waliba kan kale ayuu aqrinayaa wajigiisa waliba dabeecad ahaan ayaad is fahanteen
Ugu dambeyn waxa ay noqon kartaa in uusan dooneyn in ay dhibaato idinka dhex abuuranto oo uu wax dabirayo sidaa darteedna uusan kaaga maseereyn waayo maseerka badan dibkiisa ayuu leeyahay
Waxaan rajeyneynaa in inta aan awoodnay talo kaa siinay ayna wx kaaga bixi doonaan , waxaana aqristayaasheena ka rajeyneynaa in iyana ay ku sii raaciyaan sida ay iyana ula muuqato arintaas
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Blogger Comment
Facebook Comment