Qoyaan dheecaaneedkaas ayaa midab ahaan cad , waa uu jiid-jiidmayaa waxa uuna dhab aana u shabahaa dheecaanka ukunta oo kale.
Inta badan xubinta taranka haweenka waa ay qoyan tahay maadama uu leeyahay maadada loo yaqaan Lactic acid oo ah maado caaneed taasi oo ka soo shubanta halboow layaasha dhiigga taasi oo quudisa darbiga xubinta haweenka.
Sidoo kale qoyaanka xubinta taranka mararka qaar waa uu kordhaa taasina waxa ay ka dhalaneysaa cilado ku yimaada hormone-da waxa ayna tani timaada marka dhiiga laga qubeysto.
Halka cun cunka ama xanuunada xubinta taranka yimaadaan marka ay heerka sokorta iyo carbohydrates-ka ay aad u sara maraan waxa ayna dhacdaa xiliyada uurka .
Sidoo kale haweenka dhiiga uu ku yar yahay xiliga malabyarowga lagu jugeynayo dheecaano badan ayay soo deysaa.
Waxaad ogaataa in dheecaanada xubintu soo deyso in ay yihiin wax dabiici ah maxa yeelay waxa ay si automatically ah u nadiifiyaan unugyada dhintay iyo bacteriyada waxa ayna dheecanada ka yimaadaan qanjirka gudaha minka .
Sidoo kale dheecanaadaan qoyaanka waxaa la arkaa ka dib marka dhiiga laga qubeysto waana adag yihiin waana cad yihiin.
Balse waxaa ogaataa in qoyaanka yimaada marka malabyarowga uu galayo xubinta waa mid fududeyneysa in si sahal ah uu ku galo oo uu ku mirqo si sahal u noqoto ruxitaanka.
DAAWO MUUQAALKAN SHARAXAAD GUUD:

Dheecanaada iska dabiicga ah midib ahaan waa cad yihiin waana jileec , mana laha wax shiir ah sidoo kale ma keento cun cun .
Hadaba maxaa keena dheecanada badan ee xubinta taranka?
Adeegsiga kareemooyinka xubinta taranka loogu tala galay , saabuunada oo xasaasiyad ku reebi kara xubinta haweenka , xerashada dhar hoosaadka cariiriga ah (nikis kugu dhagan) iyo xanuunka sokorowga.
Sidoo kale infekshan ku dhaca dhuunta minka , cudarada taranka ku dhaca iyana waa keenaan.
darbiga xubinta taranka waxad ku karemeysa burcadka caanaha , marka xaajada soo gudato(Suuliga) si wacan u nadiifi
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment