Bulsha:- Waxaa nagu soo badanayo codsiyada dhanka dhambaalada jaceylka ah ee ka baxay shabakada Allsiyaasad.com oo dib loosoo codsanayo, si aad u hesho waxa aad raadineysid dhanka midig ee u koreeyso eeg halka aay search ku qorantahay kaga baaro wixii ku jiro shabakada Allsiyaasad.com oo kor u dhaafaya kumanaan kun oo fariimo jaceyl ah ama kuwa nolosha.
Anigana Kalafoge waxaan maanta idiin soo bandhigayaa dhambaal jaceyl ah oo aad u xiiso badan kaasoo aan kasoo dhex xulay keydka Allsiyaasad.com
Billoowga Dhambaalka Jaceylka….
Mudo badan ma aan ku fikireyn jaceyl xad dhaaf ah baa buuxin doono qalbigaaga mudo gaaban ka hor kuma aan tashaneyn in xiiso jaceyl ila sari tagi doono welibana intuu samada ila tagay ayuu hada dhulkii ii diiday.
Marwadaan jeclaaday waxey I tustay qadarin jaceyl iyo ka run sheegida nafta taasina waa waxaan ku jeclaaday, erey been ah iskaba daayee eray aan necbeysto weligeed imeeysan oran, waxeey I bartay macnaha jaceylka, waxey I bartay macaanka nolosha, waxaan u dhiibtay furaha qalbigeyga ayadana waxeey ii dhiibatay furaha qalbigeeda, labadii furo ayagoon wax copy ah laga bixin ayaan badweynta ku tuurnay.
Ma aamineysaa qofka aan dhex dejiyay wadnaheyga waa qof aad iiga fog waxa inoo dhaxeeyo DHUL, BAD, Iyo BUURO, sidaa aay tahayna waxaan ku dhex asteeyay xinjiraha wadnaheyga, halkii maalin ee aan la xiriirin waxaan dareemaa baqtin iyo welwel aad u culus, jaceylka aan u qabo wuxuu I gaarsiiyay heer aan saacad walbo aan doonayo inaan lasocdo xaaladeeda.
Habeen walbo waxaan ku dhafraaa inaan fadhiisto laamiga dhinaciisa jardiin ku yaalo anigoo daawanayo Dayaxa iyo siduu caadka u guurguurayo isla saacadaasna niyada ku haayo siduu mustaqbalkeyga iyo qoftaan jeclaaday u heli lahaaaa.

Qof weliba wuxuu ku hami weynyahay inuu calfado marwo kazoo bixi karto booska raaliyinimada, marwo welibana waxey jeceshahay ineey calfato nin kazoo bixi karo masuuliyada qoyska, runtii aniga waxaad moodaa inaan helay caruurtooda hooyadood, jaceylka igu beermay waa mid aan xamili kari waayay mararka qaar igaarsiiyo heer aan joojiyo wax walbo oo aan qabanayo, jaceylku maahan sheey cayaar galo, waa sheey ku haboon ka run sheegida, ka ilaalinta beenta, iyo in loo haayo qadarin dhab ah, si loogu noolaado nolol mida ugu macaaan,
Fiiro Gaar Ah: qormadaan gaaban waxaan ugu talo galay in aan isbuuciiba hal mar ku falanqeeyo jaceylka iyo wadooyinka uu kadhasho, waxaan filayaa in qormadaan wax badan aad ka dhex fahantay, isbuuca soo socdana waxaan soo qaadan doonaa qormo midaan lamid ah oo aan ugu talo galay lamaanayaasha jaceylka ugubka ku yahay.
Xusuustu waa mid kulul, xiisuhuna waa joogto, hamiguna waa kan igu fiday, riyaduna waa habeen walbo, calafkuna waa halkiisa, jaceylkuna waa kan ihaayo.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment