Hadalo xikmad leh oo qalbigaaga xasuus gilinaayo waa yaabee aqriso

Bulsha:-  waxaad kaga barateen iney idin soo gudbiso waxyaabo muhiim ah oo aad ka faa’idi karto sidaa awgeed anigoo ah KaLaFoGe waxaan maanta idiin soo gudbinayaa dhowr jumladood oo dhamaantood ka turjumayo nolosha bini’aadamka ka bogasho wacan.

Qofka caaqilka ah nolosha riyo ayey u tahay, qofka doqonka ahi waxey u tahay cayaar, Kan taajirka waxey u tahay madadaalo, midka faqiirka ahina waxey u tahay musiibo iyo cibro qaadasho.

Qofka bini’aadamka ahi maalmaha xusuus kuma reebaan ee daqiiqadaha wakhtiga ayaa saameyn ku reebo.

Nolosha aanu noolnahay waa natiijada imtixaanka aanu aakhiro ku muteysan laheyn JANNO AMA NAAR

Hadii aad qof geeyso meel sare oo uusan kaa filaneyn ka filo inuu ku dhigo meel hoose oo aadan ka filananeyn..

Noloshu maahan waxa aan haaysano ee nolosha dhabta ahi waa adigoo haaysto ruux ilmadaada aay murug u tahay farxadaaduna aay farxad u tahay.

Noloshaada carruurnimo hadii aadan u dhaqmin sida xoolaha oo kale markii aad weeynaato heli meeysid xasuus markaad xasuusato kaa qoslin karto.

Wakhtiga wanaagsan waa wakhti xasuus reebo, wakhtiga   xuna waa wakhti aad ka baran karto casharo lama iloobaan ah sidaa awgeed wakhti fiican iyo mid xunba wixii aad la kulanto dheh ALXAMDULILLAAH
Cidna noloshaada oo idil ha raacin intaad aduunka joogto, xattaa hooskaagu wuu kaa tagayaa xiliyada aad ku sugan tahay mugdiga.             Ha Jeclaan waxaadan aamini Karin, ha nicin waxaadan heli Karin, haku hadlin waxaadan sameyn Karin, Ha balan qaadin waxaadan awoodin fulintooda, hana xukmin waxaadan ogeyn.  waxaan idinkaga tageyna anago ah is aragti danbo xiiso leh insha allh











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment