Bulsha:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa saaka dhagax dhigay Wadada Jeneraal Daa’uud oo isku xirta Taalada Daljirka Dahsoon illaa Wadada Sodonka.
Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in maamulkiisa uu dhisi doono wadadan iyo dhamaan waddooyinka kale ee bur buray ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah mashaariic uu hirgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan dhismayaasha waddooyinka bur buray.
Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilligan wada dhismaha wadada 30-ka oo ah wado halbowle u ah isku xirka degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir, Wuxuuna Ciidamada amaanka ugu baaqay in ay Maamulka Gobolka kala shaqeeyaan hagaajinta bilicda Caasimada.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment