Dumarku ma ilaawaan Raga sidaan ugu raaxeeya.

Bulsha:-  Diraasad cilmi ah oo dhawaan la soo saaray ayaa sheegtay in hadalka uu qofku hadlo marka uu hurdo ay badiyaaba keenaan sababo ay kamid yihiin isku buuqa (Stress) iyo cabsi uu qofku ka qabo arin maskaxdiis aka dhex guuxaysa, tani oo ka dhigta maskaxda qofku inay u adkaysan kari waydo cadaadiska uu hadalkani ku hayo kadibna uu qofku hadlo ama sheekeeyo isagoo hurda, si ay maskaxdu jidhka uga yarayso cabsidan uu qofku ka qabo arinkaasi.

Waxa kale oo sabab u ah ayay yidhaahdeen kooxdan cilmi baadhayaasha ah ee u dhalatay wadanka Japan daalka maskaxeed iyo hammada oo qofka ku badata, iyada oo sidii aynu hore u sheegnay ay maskaxdu u adkaysan kari waydo cadaadiska badan ee ay arimahani ku hayaan, waxaana ay cilmi baadhayaashani sheegeen in ay lagama maarmaan tahay inuu qofku sameeyo jimicsi badan hadii uu  xaaladan isku arko waana sababta kaliya ee la iskaga yarayn karo hadalka hurdada dhexdeeda waa siday tilmaameene.



Balse waxaynu intaasi ku daraynaa hadaynu muslimiin nahay inagu in dawada koobaad ee lagaga bogsadaa arinkan ay tahay inuu qofku akhristo quraan inta aanuu seexan, gaar ahaan suuradaha (Naas, Falaq iyo Axad) oo ay sommali du u yaqaanaan sadexda qul huwalle, hadii uu qofku karayana uu intaasi kusii daro ducooyinka uu Nabigu NNKH ina faray sida (Acuudu bi kalimaati laahi taammaat min sharri maa khalaq), waxaana hubaal ah in uu qofkaas la ilaalinayo ilaa uu kasoo toosayo.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment