Bulsha:- Ra’iuslwasaara Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay gobolka Virginia kula kulmay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.
Khudbad uu ka jeediyay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ayuu Ra’isulwasaaraha kaga hadlay xaaladda uu hadda ku suganyahay dalka iyo rajada mustaqbalka ee dalka, waxa kale oo uu la dardaarmay Soomaalida ku nool Mareykanka.
Wuxuu si wayn uga hadlay waxyaabaha u Qabsoomay Xukuumada Soomaaliya, Dib u dhiska Ciidanka iyo Amniga dalka iyo Wadashaqaynta Goleyaasha Dawladda.
Laba Qof oo Hoolka Gudaha usoo galay ayaa la sheegay inay ka dhex Qaliyeen, taasi keentay in Khudbadi uu joojiyey Raysalwasaaraha. Laakinse waaxaa markiiba si xamaasadeysan uga Jawaaabay oo wada istaagay Dadkii Soo dhiweynayay Raysalwasaaraha taaso keentay Inuu hadalkiis sii wato.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment