DAAWO SAWIRRO: Faras loo aqoonsaday kan ugu quruxda badan Dunida !!

Bulsha:-  Gamaanku wuxuu had iyo jeer ahaa qeyb kamid ah nolosha insaanka – u eegis la’aan waqtiga iyo casriga lagu jiro. Wuxuu lahaa qeyb weyn oo noloshu la’aantiis aysan suura-gal noqoteen. Hayeeshe qarniyadii danbe oo adeegsiga gaadiidka afar-lugoodka uu soo kordhay, ku tiirsanaanta Gamaanka aad bay hoos ugu dhacday.

Balse taasi kama horjoogsan in geesta kale looga faa’iideysto. Meelo badan oo dunida kamid ah wuxuu wali ku jiraa kaalinta xaragada iyo quruxda, waxaana loo leyliyaa in lagu damaashaadiyo caruusyada iyo dalxiisayaasha. Waxaa intaas dheer inuu wali qeyb weyn kaga jiro xulashada ina Aadan uu kaga doorbido yeelashada baabuur iyo wixii lamid ah.

Qeyb ahaan adeegsiga Gamaanku waxay muhiimad weyn u leedahay deegaanka oo maanta u dhiban hawo ay wasaqeeyeen baabuurta.

Sidaas darteed, iyada oo laga eegayo baahiyo badan oo wali uu lagama maarmaan u yahay ayaa Gamaanka ka dhigtay mid mutay daryeel iyo xanaano dheeraad ah siiba Fardaha oo ah xulka laga majeersado ina Gamaan.

Quruxda Farduhu leeyahay marka uu darmaan noqdo iyo xoogga iyo xoodaanta uu gacalo kaga helo ninkii ku safra ama ku xaragooda ayaa ah mid wali Fardooleydu hadiyo jeer isku tebiyaan.

Waana sababta keensaneysa in goobo iyo mudnaan gooni ah uu Gamaanka kale kaga xigsado Insaanka. Lamid ma ahan dameerka iyo baqasha oo aan inta badan helin daryeelka iyo gaasa-bixin dheeri ku ah dhaqashadooda.

Haddaba, quruxdu lagu baadi-sooco fardaha waxay la timid tartan dhexdooda laga sameeyo taas oo bulshada dhaqata ay ku baxnaaniyaan sida ugu fiican nolol ahaan.

Sidan oo kale ma u qurxinaa fardaheenna?
Mid kamid ah fardaha helay wax ka dheer daryeel iyo xanaano waa Frederick oo ku dhashay dalka Holland balse loo soo masaafuriyay dalka Maraykanka markii uu lix jir ahaa.
Sawiraddiisa oo lagu baahay baraha bulshada ayaa noqday kuwa soo jiita indhaha dadyow badan. Waana sababta uu ku helay darajada midka ugu quruxda badan qoyskiisa.

Soomaaliya wali kama dhalan baraarugii loo baahnaa oo daryeelka Gamaanka siiba fardaha la xiriirta. Waxaa jirtay waa bulshadeennu aad ugu gaarowday xanaannada iyo dhaqashada fardaha. Balse markii uu dhashay kacaanka magaaloobidda, in badan wax la iskama weydiin haddii fardaheennu heli karaan xaqii la siin jiray kuwii ay ka farcameen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment