Baarlamaanka Uganda oo u codeynaya in dastuurka laga saaro da’da xaddideysa Madaxweynaha

Bulsha:- Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni; ayaa isku dayaya in uu meesha ka saaro da’da Madaxweynaha Dalka Uganda ee uu qorayo Dastuurka dalkaas si ay ugu suuragasho in Sanadka 2021ka uu mar kale isu sharraxo Madaxweynaha Dalkaasi.

Mr Yoweri Museveni,ayaa ka doonaya Baarlamaanka dalkaas in ay codka geliyaan wax ka beddel lagu sameynayo dastuurka dalkaas oo qoraya in Madaxweynaha haddii uu gaaro da’da 75 jir uusan sii xukumi karin dalka Uganda,waxaana da’da Museveni ee 2021 noqoneysaa 75 jir taas oo sida hadda ku xusan dastuurka ka reebeysa in uu isa soo sharraxo.

Xildhibaannada ku badan Baarlamaanka dalkaas ee xisbigiisa ayaa arrintan aad xoogga u saaraya iyada oo aan rajo weyn laga qabin in uu kalsooni waayo qodobka isbeddelka lagula sameynayo dastuurka Uganda.

Waa markii 2aad oo dastuurka 20jirka ah ee Dalka Uganda isbeddel lagu sameeyo waxaana markii hore aya ahayd Sanadkii 2006ii markaas oo ay dhamaatay labo jeer oo hore oo uu Madaxweyne Museveni maamulayay dalkaas laga soo billaabo 1996-2006dii.

Museveni ayaa Dalka Uganda qabsaday Sanadkii 1986dii,markaas oo uu 5 Sano oo dagaal Jabhadeyna ah ku jiray waxaana uu dalkaas maamulayay 10 Sano isaga oo aan la dooran,kaddib ayuu 1996dii isku sheegay in uu yahay Madaxweyne Rayid ah oo doorasho gelaya,kaddibna labada jeer ee ugu horreysay ku guuleystay taas oo ku ekeyd 2006ii,isaga oo markii dambe isbeddel ku sameeyay dastuurka kaas oo fasaxaya in Madaxweynaha uusan yeelan waqti go’an oo uusan tartami karin xilli doorasho kasta.
Hadda waxaa uu qorsheynayaa in la tiro Qodobka xakameynaya da’da Madaxweynaha waxaana uu doonayaa in ay iyadana noqoto mid xadidneyn oo u oggolaaneysa ilaa uu ka dhinto in uu tartami karo.

Golaha degaanka Gobollada qaar ayaa horay ugu codeeyay isbeddelka qodobkan ee dastuurka iyada oo kuwo qaarna ay ka biya diideen,waxaana hadda uu horyaallaa Baarlamaanka dhexe ee Uganda oo la filayo in iyana ay ansixiyaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment