Wiil u dhashay dalka Suudaan oo jaceyl u qaaday Fanaanada Nimco Yaasiin Caraale

Bulsha:- Bakar Cawadullah oo u dhashay dalka Sudan kana soo jeeda Gobolka ”Sinaar” ayaa sheegay inuu Jaceyl u qaaday Fanaanada Caanka ah Nimco Yaasiin Caraale, kadib markii uu sheegay in Mobil-kiisa ka dhageysto Heesaheeda oo uu ka shubtay Wiil Soomaali ah.

Bakar Cawadullah waa Wiil da’diisu tahay 24-Jir ayaa lagu soo waramaaya inuu Jeclaaday Muuqaalka Fanaanada isaga oona isku dayay inuu xiriir la sameeyo Hayeeshe waxa uu sheegay inay la soo daristay Cabsi dhanka Luqada ah.

Bakar Cawadullah oo iminka Jaamacad ka dhigta Magaaladda Khartoum ayaa Tilmaamay in Hablaha Soomaalida ay yihiin kuwa Dhiig furan islamarkaana soo jiidanaaya Ragga Suudanta ah, waxa uuna sidoo kale sheegay in uu Xiriir la sameyn doono Nimco Yaasin Haddii ay u suura gali weyso uu Mustaqbalka Rajeynaayo inuu Guursado Dumar ka ag-dhaw Reerka Nimco Yaasiin.

Bakar Cawadullah ayaa amaan gaar ah usoo jeediyay Fanaanada Caanka ah ee Nimca Yaasin walow uu sheegay inusan weli arkin markii laga reebo Daawashada Video, Filim ah haddana waxa uu xusay in Qurux iyo Qiima gaar ah u leedahay Nimco Yaasin.

Mahan markii ugu Horeysay oo Nin u dhashay Dalkaasi Sudan Jeclaado Fanaanad Soomaali ah, waxaana horay u jiray Fanaanad Soomaali ah oo uu Jeclaaday Fanaan u dhashay dalkaasi Sudan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment