Wax Ka Ogow Farqiga Baaxada Leh Ee U Dhexeeya Guurkii Hore Iyo kan Maanta!.

Bulsha:- Guurku waa heshiis sharci-diini ah , oo laba ruuxi ku heshiiyaan in ay qoys wada dhistaan isna doortaan, dabadeedna si diinta waafaqsan ku dhameystiraan, iskuna guursadaan. Guurku waa saldhiga Aadmiga maxaa yeelay bulshadu waxa ay ka unkantaa dhisma qoys, qoyskana sida la og-yahay waxa dhidibada u taaga Guurka.

Inkasta oo caadooyinka guur ee soomaalidu ay isku mid yihiin, haddana waxa jira in ay waxyaabo ku kala duwan yihiin. Kala duwanaanshahaas waa mid deegaanka la xidhiidha ee maaha mid asalnimo ah, tusaalae ahaan miyiga iyo magaalada waa ay isku khilaafsan yihiin dhanka guurka.Ninka reer kiisa ayaa u geed fadhiista reerka lala xididayo oo ey Gabadhi ka dhalatay.

Guurku badanka waxa uu ka yimaada dhinaca raga, iyada oo Gabadhuna la qaadato, inkasta oo ay labada qof dhexdooda ka soo heshiiyaan, kadibna sidaa isugu af gartaan in ay qoys bulshada ku soo biiriyaan oo ay yagleelaan.

Hadaba habka ugu fiican ayaa ah in uu ninku usoo geed fadhiisto gabadha uu rabo ama lasoo heshiiyay, taas ayaana ah tan ugu fiican ama ugu qiimaha saraysa ee ay Somalidu isku Guursato.

Waagii hore doobka guurdonka ahi, muddo badan ayuu guurdoon ahaan jiray oo isaga iyo dhalinyaro kale soo ilaalayn jireen hablaha beesha. Marka ay arkaan inan(gabadh) soo qancisa, gole ciyaareed ayey ku balami jireen, halkaasna isku waaydaarsan jireen heeso ciyaareed, marka laga soo dareeroa kadib ayaana la haasaawi jiray.

Halkaana ay isku baran jireen kuna xujootami jireen wiilka iyo gabadhuba, laysna waydaarsan jireen hal xidhaale iyo waliba suugaan mal dahan, taas oo loogu duur xulaayo garaadka qofka iyo sida uu wax garad u yahay. Marka la dhamaysto sheekada ee loo gogol-xaadho guur iyo in reer la yagleelo ayuu wiilku reerkiisa la socodsiinjiray.

Hadaba maanta haasaawuhu wuu ka duwan yahay kii hore wuuna ka fudud yahay oo waxa la adeegsadaa E-mail, mobil iyo aalado kale oo casriya. Waxaanad arkaysaa in laba qof oo kala jooga laba qaaradood ay halkaas ka haasaawaan, kana heshiiyaan iyada oo aanay dhibaato iyo waliba rafaad ku qadanayn. taasina waxa ay gabi ahaan meesha ka saartay sahansigiii guurka iyo in la raadiyo qof firkiisa hore lagaranayo, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Haweenka iyo Geelaba waa la hida raacaa”.

Dhanka kale, xadiis ayaa ahaa waa in aad qofka aad guursanayso ku xulataa dhanka dumarka “Diinteeda, Nasabkeeda, Maalkeeda iyo Quruxdeeda”. Iyada oo uu yahay gurigu halka uu ka dhismayo dhinaca dumarka oo hadii ay gabadhu guriga dhisto ma dumo, laakiin hadii ay damacdo in ay burburiso in yar ayuu ku fashilmaa, balse waxa hadda ku soo biiray in ay dhalintu ku maahmaahdo “Silic ku nool Soddan guursataa dhaanta”. Si kastaba ha ahaatee, marka uu la socodsiiyo wiilku reerkooda ayaa dabadeed reerkii inantu ka dhalatay lagu wargalin jiray in looga soo geed fadhiisanayo gabdha heblayo. Maalinta martidu imanaysona waxa la fadhiisin jiray geed loo sii waabay oo la dadbay, halkaas si fiican loogu sooryan jiray. Inta sooryadu socoto kaftan badan iyo taariikho ayaa lays waydaarsan jiray.

Hablihii lakala guursaday iyo guulaha kasoo hoyday ayaa lays dhaafsan jiray, kadibna waxa meesha ka kici jiray af hayeenka martida oo hadalkiisa ku soo gaba gabayn jiray: Maanta muraadkayagu waa helaayo hebal hebal oo aad nasiisan oo aad nagula xidhidaan‘, marka uu dhameeyo waxa hadalka ka daba qaadan jiray nin ka soo jeeda dhanka reerka martida loo yahay ayaa odhan jiray “Idin siinay oo idinkula xididnay‘’, kadibna waxay reerka martida ah afahayeenkoodu odhan jireen “Idinka gudoonay‘’.

Wiilka guurdoonka ahi goobta kama hadli jirin, laakiin hadii ay dhacdo tol la’aan ayaa lagu tirin jiray, inantana waligeed geedka lagu bixinaayo laguma arkijirin. Goobtaas gabaati ayaa lagu kala qaadan jiray iyo waxyaabo kale oo qiimo leh,

maantase gabaatigii waxa loo badalay lacag. Geedkii la dadbi jirayna waxa loo bedelay Hoteel. Ma jirin gabaatiga inanta laga bixiyo in dumarku qaataan, haddase waxaad arkaysaa iyada oo ay dumarku qaataan gabaatiga taasina waa is badal horle.

Inanta wax bixiya Aabeheed, Awawgeed, Adeerkeed ama Walalkeed kolba ka jooga, haddii la waayo waxa bixin jiray ninka cid ugu xiga ee qaangaadhka ah.

Dhismaha reerka kahor ama kadib, waxaa inanta laga bixin jiray yarad, ninka la dega reerka uu ka guursadayna waxa loo yiqiin Inanlayaal.

Aqalka iyo Agabka inanta reerkoodu raaciyo waxaa loo yiqiin Diiqo ama Dhibaad, xoolaha ay siiyaan ninka reerkooduna waxa loo yiqiinay Kaalo ama Yabadh.

Xilliga aqalgalka waxa inanta loo soo xidhi jiray dharka hidaha iyo dhaqanka, sida saddex qaydkii, boqorkii iyo dhaclihii iyo dhamaan agabkii dumarku xiligaa isku qurxin jireen, Hablo loo diyaariyay ayaa inanta soo raaci jiray, soona galbin jiray.

Halkaa waxa laga dhisi jiray aqal laba daryaala ah oo markaa ahaa guriga ugu sareeya ee la dhisto, waxaana laga dhisi jiray dhigo, lool, cawsas xariira, saamo, kabdo iyo waliba dhamaan agabkii kale ee laga dhisi jiray Aqal-Soomaaliga.

Halkaas waxa loogu dabaaldagi jiray arooska, iyada oo barbaarta beelaha halkaas dagani ay u dabaaldagi jireen muddo todobaada, dhalintu duleedka arooska ayey isugu soo bixi jireen oo ciyaaro kala duwan sida: botorka, dhaantada, saylicida, widh-widhada iyo qaar kale oo badan, heeso iyo murtina lays waydaarsanaayo ayaa ahaa qaar qiimo ku fadhiyey.
Maanta marka inanta la hoynaayo ee ay aqal galayso la geeyo Koofeer lagu soo qurxiyo aroosada, halkaas oo loogu xidho agabka cusub ee laga soo dheegtay dhaqamada shisheeye sida: toobka cad ee taashka, iyada oo timaha loogu xidhiidhiyo timo kale, loona soo diyaariyo gaadiid badan, kadibna la geeyo hotelka habeenkaas looga ciyaaraayo.

Dabadeedna loo daaro Muusik, iyada oo dadka kasoo qayb galay arooskaasi dhalin iyo waayeel halkaas lagu jaaso ama niikiyo, laguna dambaysiiyo fargal ay is waydaarsadaan wiilka iyo gabadha arooska ee aasaasay qoyska cusub habeenkaas.

Halka habeenka sadexaadna la keeno diiqada oo ayanaHOTEL lagu kala gudoomo, iyada oo la soo dalbado dumar buraanbura labada dinacba, iyada oo marmarka qaar halkaas aflagaado ka dhalato iyo in reerba reerka kale iska caabiyo, laguna kala tago caloolxumo marmarka qaar sababta in ay ku burburaan qaysasku.

Waxa intaas dheer kharashaad badan oo aan la garanayn wax faa’iido leh oo ay ku bexeen, isla todobaadka hore ee arooska ayaa la sameeyaa xaflad ugaara hablaha oo lagu magacaabo sabiibta ama xaflada fijaanka macaanka oo la geeyo hotel kale, taasina ay u baahan tahay dhaqaale kale oo horle.

Waxa kale oo intaa dheer Todoba bax laga baxo magaalada marka aroosku ka dhaco, loona dalxiiso magaalo kale oo ka fog halka aroosku ka qabsoomay.

Run ahaan may jiri jirin waxaas oo dhaqaala burburi, waxa ixtiraam ka dhexeeyay labada reer ee wada xididay mid kastaana wuxu qadarin jiray ka kale.

Ninku marka uu dhinto xaaska uu katago waa la Dumaali jiray, iyada oo aan la sii dayn jirin gabadha uu ka tagay ninkii dhintay arimo badan awgood, sida iyada oo la leeyahay caruurtaas ayaa dayacmi doonta, xoolaha ayaa wareegi doona, wanaag ay gabadhu u dhalatay oo ay quudhi waayeen reerkii ay u dhaxday iyo iyada oo ah gabadh raad qabaw.

Ninka isagana marka gabadhu ka dhimato waxa la siin jiray xigsiisan, iyada oo inanta walaasheed loogu xigsiisami jiray ninka ay gabadhu ka baxad, si caruurtu aanay meel kale u marin oo aan gabadh kale loo u keenin. Haddii aanay joogin inanta walaasheed waxa la siin jiray inanta eedadeed ama gabadh ay inanta dhimatay ay is xigaan.

Deegaanada qaar waxa xeer ahaa, hadii gabadh doonan lala tago oo la guursado in reerkii laga dhacay la siiyo kontan halaad oo xaalmarina.

Somalidii hore, arimaha dumarku xasaasi ayay ahaayeen, marka uu qabiil fulin waayo xeerka beelaha u yaala, kibir iyo quudh yaraysi ayaa loo qaadan jiray, colaado sokeeye iyo dagaalo lagu hoobto ayaa laga dhaxli jiaray.

Marka colaadahaa laga heshiiyo, qolada wax tabanaysa ayaa la siin jiray inan ama hablo loo yiqiin godob reeb. Somaliduna waxa ay ku maahmaahdaa “Meel xinjiri ku bururtay xab ayaa lagu bururiyaa”, iyada oo ay uga jeedaan hablaha godob reerbta ah.

Waxa kale oo caadooyinka Somalida ka mid ahaa hadii inan(gabadh) sharafteeda ama dhagteeda meel lagaga dhaco ninkii falkan gaystay ayaa loo dhisi jiray sidaana loogu guurin jiray.

Haddaba, caadooyinka guurkii hore ee maanta dabar-go’ay waa qaar badan oo lagu badalay dhaqamo aynu ka soo minguurinay dhaqamada shisheeye, iyada oo aynu u aragnay dhaqankeena wax duugoobay, kana talaabsanay.

Haddaba dhaqamadan lumay ee dabar-go’ay waxa ka mida Heerinka, Dhabar garaaca iyo Galista.

Haddii uu jiray guur sidaa u wanaagsana oo la qadarin jiray, sumcad iyo sharafna ku abuuray bulshada dhexdeeda, maxaa iska badalay? Maxaa ku soo biray? Maxaase la waayay oo dabar-go’ay?

Guurka maanta oo aad moodo in uu ka badalann yahay kii hore waxa aad arkaysaa caadooyin aan hore loo lahaan jirin, taas oo ay ka mid tahay guurka ku fula Meher-xadka iyo Uurka aan sharciga waa faqsanayn.

Iyada oo aad moodo in dadka ay saameeyeen dhaqanada shisheeye, ayaa wax kasta oo la ceebsan jiray hada caado noqdeen.

Soomaalidii hore waxa ay u yaqaaneen in inantu marka ay ku uuraysato bilaa meher ay ka dhimatay reerkooda iyo tolka kaleba, lana dayrin jiray, si magaca ama dhag xumadu uga harto way adkayd reerka inanta dhalayna, waxa la kulmi jirtay murugo iyo ciil, beeshuna ku sheekaysan jirtay, Inantaasina waxa ay ka maqnaanjirtay jireen golaha ciyaarta iyo ardaayada ay dhalintu ku haasawdo.

Aabaha dhalay inanta xumaatay, isaga laftiisa waxa ka dhacday cumaamada oo wuu ka waaban jiray odayaasha dhexdooda, halkaas oo kaftanka lagaga heli jiray.

Imika waxaas oo dhami way is badaleen wax walina waa wax mudo kooban lagu ilaawo.

Wakhtigan dadku guurka waxa ay u aamineen wax la iibsado, iyada oo la ilaaway xidid iyo xigaalba, loona haysto Inanta in ninka lacagta hayaa uun uu guursan karo. Waxaana laga tagay is dhexgalkii bulsho iyo kala guursigii beelo kala fog.

Haddaba, akhriste waxa dabar go’ay dhaqamo badan oo uu lahaa guurka soomalidu, taas oo uu ka mid ahaa sida godob reeb, dumaasha iyo xigsiisanka oo sii dabar go’aya, qaarna ay dabar go’eenba oo aan xataa dadku macna ahaanba fahansanayn.

Waxa kale oo imika badalmay, bulashadana si wayn u saameeyay dhaqamada meher masaafadeedka ama meher-xadka, uurka aan sharciga ku iman oo meher ka horayn iyo wax lamida oo aan diiniyan iyo dhaqan ahaan toona meelkaga jirin.

Guurkii hore ayaa ka qaalisnaa kan maanta, haddana may jirin cid ka caban jirtay guur qaaliya, mana aha qiimihu in lacag badan la bixiyo ama la burburiyo laakiin waa in uu yahay mid sharaf iyo qadarin ku dhisan, ALLANA raali ka yahay.

Waxa gabadha laga bixin jiray boqol halaad iyo baarqaabkii, faraskii iyo qorigii, manay ahayn wax laga cawdo ninkii aan haynina taagtiisa ayuu socon jiray (Togba taagtii ayuu rogmadaa )ayay Somalidu ku maahmaahdaa.

Siday doontaba ha ahaatee, inkasta oo ay Soomaalidu dhaqan iyo caadooyin fiican lahayd, guurku maaha mid ku fula geed hoostii iyo laba markhaati oo qarsoon, ee waa aayad Ilaahay soo dajiyay waana sharci loogu talo galay in ay ku dhaqmaan aadamuhu.

Qalinkii Fanax Fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment