Waa Adinka Waxa ku Kalifay In ay Sidaan Sameeyso!!!!

Bulsha:- Waxaa caado u noqotay dumarkii soomaaliyeed badan kooda inay meherad ka dhigteen sidii ay u badali lahaayeen midabka jidhkooda, soomaalida oo kamida dadka midabka furan ee daga qaarada Afrika ayaa isoogu jira kuwo midab madow, kuwo midab maariin ah leh iyo kuwo u midab kooda lagu tiriyo inuu yahay cadaan. Gabadha midabka cad ee soomaaliyeed waxay isu haysataa inay ka qurux badan tahay mida kale, arintaasina maaha waxa ay iyadu kaligeed iska dhaadhicisay.

Tusaale gabadha la rabo in la tilmaamo quruxdeeda waxaa loogu yeedhaa cadayeey. Taasoo looga jeedo qurux badaneey, cadaan jacayl heerka ay ka gaadheen dadka qaar waxay gaadheen in magaalooyinka qaar loogu yeedho magaalo cadeey, sida xamar cadeey iwm. Magaalo maxay ka taqaanaa cadaan.

Hadaba hadii aan usoo noqdo madwuudac maqaalkan oo ah in nimanka soomaaliyeed ay jecel yihiin gabadh midab cad inay guursadaan, waa arin muuqata oo cad marba hadii amaan looga dhigay gabadha cadaankeeda. Niman badan waxay ku riyoodaan sidii ay u heli lahaayeen ugu yaraan gabadh midabkeedu furan yahay.

Waxaa laga yaabaa in dadbadni ay yidhaahdaan waxaba kama jiro sheekadan, arin inaad aad usii eegto u baahanba maaha. Gabadha soomaaliyeed wax ay kaligeed iska fikirtay maaha oo ay iska dhaadhicisay si muuqata iyo si qarsoonba waxaa looga dhaadhiciyey in badan oo dumarka kamida in gabdha midabka furani ay ka qurux badan tahay tan midabka madow.

Niman badani waxay u arkaan gabadha midabka cad lihi inay ka kibir badan tahay mida kale sababtoo ah, hadii ay marba midab cad leedahay qurux kama maqna.
Waxaa hubaal aan la inkiri karin ah in nimanku guud ahaan ay wada rabaan gabadh midab furan, taasina waa mida raadka wayn ku reebtay nafsiyadii gabadha soomaaliyeed. Dumarka qaar waxay gaadheen inay wajigooda ku maydhaan nooc kasta oo kiimiko ah oo u daran jidhkeeda iyo nafteedaba.


Waxa ugu wayn ee ku kalifayaana waa qaabka ay u eegayaan gabdha midabka furan bulshadu guud ahaan iyo khaasatan in kamida nimanku. Ictiraafka (recognition) ay ka hesho bulshadu waxay ku reebtay raad wayn nafsiyadeedii sidaa darteed waxay isku mashquulisay sidii ay u heli lahayd quruxdaa la sheegayo.

Doqon iyo habeen ayaa madow, waa hadal hays noqday midka ugu wayn ee ay xujada ka dhigtaan sidii ay wajigooda ugu eegi lahaayeen wax kasta oo ay ku gaadhayso quruxdaa la sheego. Gabadhu inay wajigeeda nadiifiso oo ay ka ilaaliso finaanka iwm, ceeb maaha xad gudubna maaha.

Ugu danbayn bulsho waynta soomaaliyeedow idinka ku kalifaya gabdhu inay samayso sidaa oo ayna wajigeeda uga tudhin sunta la isku cadeeyo, maalinta aad badashaan qaabka aad u eegaysaan gabadha midabka cad iyo darajada aan jirin ee aad gaadhsiinaysaan tii midab furanba, maalintas suga inay iyaduna fikirkeeda badasho. Hadii kale tartanka waji cadaynta dumarka soomaaliyeed meesha uu ina gaadhsiiyo aynu aragno.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment