Raggu Kama Sabraan Haweenka Tilmaamahaan Laga Helo

Bulsha:- Raggu ma iloobaan haweenka sabarka badan ee u dul qaata dhibaatooyinka kala duwan kalana qeyb gala cadaadiska mararka qaar noloshiisa kusoo kororta murugadeed.

Waxa ayna u noqotaa badbaado iyo difaac adag oo raggu ay ku gambadaan xilliyada dhibaatooyinka.

Haweeneydiisu waa mida kor u qaada waxyaabaha uu haminaya kuna dhiiragelisa si fiicanna u ogsoon xilliga looga baahan yahay in ninkeeda ay u soo xaadirto sidoo kalena ogsoon waxa ay ku oranaeyso si naxariis iyo kalgaceyl ay kujirto una sabreysa illaa sidii ay ku baratay uu kusoo laabto kulana dhaqmeysa xikmad iyo caqli…. Tani waa haweenka raggu aysan marnaba iloobi Karin si waliba oo xaalku noqdo.

Haweeneyda caqliga badan.

Haweeneyda caqliga badan waa mida si wanaagsan u garata sida loola dhaqmo ragga nolosha kula shirkoobayo fahmeysana nin waliba dabeecadihiisa u gaarka ah ogsoonna xilliga ay la sheekeysaneyso iyo xilliga ay dalbeyso iyo sidoo kale xilliyada ay ka aamuseyso iyo xilliyada ay dhageysaneyso keliyana intaasi aan ku ekeysaneynin hayeeshee ogsoon sida ninkeeda uu kusoo muuqan karo oo horumar uu ku gaari karo.

Iyada oo kalsooni ku qabta naftiisa dhiiragelin saa’id ahna u sameyneysa… Haweeneydani waa mida aan ninkeeda marnaba iloobi Karin waayo waa lamaane lagu aflaxay, wuxuuna ninku dareemayaa mar waliba oo akteeda uu joogo fikrad yookeeda sareyso oo hadana xeel dheer mar waliba oo iyada uu lajoogo.

Haweeneyda dhalamada badan.

Haweeneyda dhalmada badan waxay ka dhigeysaa ninka nolosha kula wadaaga nin rag oo kalsooni qaba, mar waliba oo dhalmadeeda uu siyaado wuxuu dareemayaa ninka raganimadiisa in ay sii korortay waliba si saa’id ah iyada oo aan isku dayin in ay kakeensato arrinkaasi ama sidoo kale uu u yeesho fiiro gaar ah sheekadeeda xilliyada uu labisanayo iyo xilliyada uu la fadhiisanayo.
Nninka waxa uu dareemayaa xilliyadaasi raganimo dheeri oo xaqiiqi ah xittaa haddii uu duqoobo… haweeneydani waa mida ninkeeda uu jeclaanayo uuna jeclaanayo iyad oo dhan marna ka suurageli meyso in uu iloobo.

Haweeneyda Qurxoon.

Ninku iloobi mayo Haweeney qurux badan oo dhexdeedu diiran tahay lehna shaqsiyad deganaan ah nafteydana is hagaajineysa jecelna deganaanta iyo madax banaanida oo aanu ninka ku dedejin waxyaabaha qaar xilliyada uu buuqsan yahay kana dhiganeysa xilliyadaasi oo kale waxa ay kaashato caqli iyo qurux lasocota deganaan.

Haweeneydaasi waa tan raggu ay fiirada gaarka ah siisa una muujisa quruxdeeda kana dhowra indho aan tiisa aheyn, hami gooni ah ayay raggu siiyaan mana ku keliyeeyo taasi oo kale nolosha.

Haweeneyda lama filaan ah.

Ninku waxa uu jecel yahay haweeneyda keeneysa fikradda lama filaanka ah.. kuma kalifeyso mana ku sameyneyso warkeda iyo waxyaabaha ay kudhaqaaqeyso wuxuuna dareemayaa ninka in nolosh uu haweeneydani la nool yahay sida kitaab furan oo kale oo uu wax ka qaato waxna ku kala cadeysto si uu ugu noqdo arrinkaasi mid awooda iyo in haddii halis ay kusoo socoto uu ka bari noqdo Ninka wuxuu jecel yahay in ay noqoto haweeneyda nolosha kula shirkoobeysa mid bari ah oo fikrado lama filaan ah keenta halka ay ka lahaan laheyd qurux badan.

Haweeneyda naxariista badan.

Haweeneyda Naxariista badan waa naagta jecel in ay ku noolaato nolol heer sare ah lehneh soo jiidasho ama dareen deg deg ah awoodna u leh in ninka ay kudhex rido badweyn Naxariis ah iyo Jaceyl oo uu la dareemayo ninka sida iyada oo aanu aheyn xaaskiisa oo kale iyo jaceylkiisa…


Hayeeshee waxa ay ka dhiganeysaa in ay hooyo u tahay… ninka inkastoo uu yahay nin weyn hayeeshee waxa badan codsiyadiisa sida caruurta oo kale mararka qaarna uu ka daro, wuxuuna jecel yahay in in uu sugo naxariistaasi uu kaga bartay xaaskiisa iyo jaceylka.

Haweeneyda bixinta leh iyo daqaeynta xoolaha qalan.

Haweeneydani waxay ka tagtaa saameyn aanu ninka qaba iloobi Karin wuxuu dareemayaa marka ay joogto islaantiisa si ay u bixiso wax waliba oo ay heyso awoodeedana ah in ay sadaqeyso..

Waxa ay xoolo u qaleysaa dadka masaakiinta ah kuna sadaqeysataa xisaab la’aan.. ninkuna waxa uu jecel yahay mar waliba in uu noqdo kan hela mudnaanta koobaad isaga oo aanu waxba dhiibin, wuxuuna nacayaa ninka naagtiisa marka ay ku xisaabtameyso haweeneyda in ay ninkeeda ku rakaateyso waxa ay bixineyso.

Haweeneyda xoogan hadana daciifsan.

Ninka waxa uu jecel yahay in haweeneydu ay ogaato xilliga ay awood yeelaneyso iyo xilliga ay daciif noqoneyso.
Waxauuna jecel yahay ninka sidoo kale in haweeneyda nolosha uu la wadaagayo ay gacanta u soo taagto markuu doonana uu u jaro laakiin ninku ma jecla in xaaskiisa ay xilli waliba noqoto mid awood leh isagana uu dareemayo awoodeeda Sidoo kalena ma jecla ninka dafiictinimada xaaskiisa mar waliba inta uu xaalkeeda meeshii ugu xumaa ka gaaro.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment